Home LA LIGA

Kooxda Real Madrid Waxaa Bar Tilmaameed u Eduardo Camavinga Oo u Ciyaara Kooxda Rennes?

Kooxda Real Madrid Waxaa Bar Tilmaameed u Eduardo Camavinga Oo u Ciyaara Kooxda Rennes?
Kooxda Real Madrid Waxaa Bar Tilmaameed u Eduardo Camavinga Oo u Ciyaara Kooxda Rennes?

Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa raadinaysa saxeexa xiddiga da’da yar ee Eduardo Camavinga oo oo ay da’diisu tahay 17 jir, isla markaana ka ciyaara horyaalka waddanka Faransiiska.

Da’yarkan oo ka dheela khadka dhexe, waxa uu halbowle u yahay naadiga Rennes oo si mucjiso ah uu mar kaliya ugu noqday laacib lama taabtaan ah oo ciyaartoyda ka hor timaadda ay kasii warwaraan sida ay ka yeelayaan loollankiisa aan daalka iyo baqashada midna lahayn.

Waxay dad badan ku tilmaan inuu yahay Paul Pogba cusub, laakiin Real Madrid waxay u doonaysaa inuu noqdo beddelka xiddiga reer Brazil ee Casemiro oo aanay haysanin ciyaartoy sidiisa oo kale kubbad dile iyo kubbad abuure ba u ah.

Heshiiska uu Camavinga kula jiro kooxdiisa Rennes, waxa uu ku egyahay badhtamaha sannadka 2022, waxaana xili ciyaareedkan uu qabsaday indhaha caalamka, markii uu adhaxda ka jabiyey PSG oo uu wacdaro ku dhigay, isla markaana uu ka dhaliyey gool.

Stade Rennais : Eduardo Camavinga a été naturalisé français

Tan iyo intii ka dambaysay bishii August ee sannadkii hore, kooxaha Yurub intooda badan ayaa lala xidhiidhinayey, hase yeeshee Real Madrid ayaa mar walba kooxaha kale tallaabooyin ka horreysay.

Sida uu qoray wargeyska Marca, Camavinga waxa uu noqon doonaa mid ka mid ah ciyaartoyda ay Real Madrid qasnaddeeda u jabin doonto xagaaga, waxaanu qayb weyn ka yahay qorshaha suuqa ee Zidane oo sidoo kale afka hore ee weerarka awoodda uu saarayo.

Kooxda Rennes, waxay ciyaartoygan ku xidhay lacag dhan 80 milyan oo Euro, laakiin taas isbeddel ayaa ku dhici karaya maadaama dunida dhaqaale la’aan uu sababay Coronavirus uu ku habsaday, waxaana suurtogal ah in lacag aad uga jaban uu Zidane kusoo qaato.