Home LA LIGA

Kooxda PSG Waxay Doonaysaa Ciyaartoygan Oo Ka Ciyaara Kooxda Real Madrid?

Kooxda PSG Waxay Doonaysaa Ciyaartoygan Oo Ka Ciyaara Kooxda Real Madrid?
Kooxda PSG Waxay Doonaysaa Ciyaartoygan Oo Ka Ciyaara Kooxda Real Madrid?

Kooxda reer France ee PSG ayaa doonaysa inay gacanta ku dhigto laacib ka tirsan Real Madrid si uu ugu beddelo mid ka mid ah xiddigaheeda oo xagaaga marka uu furmo suuqa iibku xor u noqon doona inuu iskaga tago.

Layvin Kurzawa oo difaaca bidix ka ciyaara ayaa bisha June uu dhamaan doonaa heshiiskiisa PSG, waxaana agaaismaha kooxda ee Leonardo uu calaamadsaday laacib ka tirsan Real Madrid inuu u noqdo midka buuxin doona booskaas.

Arsenal told asking price to sign Layvin Kurzawa from PSG ...

Sida ay sheegtay RMC Sport, Leonardo ayaa waxa uu shiishku u saaran yahay difaaca bidix ee Real Madrid ee Sergio Reguilon oo amaah ugu maqan Sevilla, isla  markaana ay booskiisa kaga horreeyaan labada laacib ee Marcelo iyo Mendy.

Reguilon ayaa la filayaa in sannadaha soo socda aanu heli doonin boos uu ka ciyaaro illaa uu meesha ka baxo Marcelo ama Ferland Mendy, taasina waxay fursad siinaysaa PSG oo Real Madrid ku riixi karta inay iska iibiso da’yarkan lagu tilmaamo inuu mustaqbalka weyn leeyahay.

Marcelo-bencher' Sergio Reguilon making a name for himself at Real ...

Warku wuxuu sheegay in Leonardo uu u ballon-qaadi doono boos joogto ah si uu ugu qanciyo in haddii kooxdiisu ka cago-jiido inay iibiso uu isagu ugu cadaadiyo.

Labada kooxood oo xidhiidhkoodu aanu xumayn, isla markaana sannadkii ugu dambeeyey ay u kala wareegeen Keylor Navas iyo Areola ayaa ayaa waxa la rumaysan yahay in Los Blancos ay cirka geyn doonto qiimaha laacibkeedan oo ay dalban doonto illaa 60 milyan.

Reguilon ayaa kula midoobi doona PSG xiddigaha reer Spain ee Ander Herrera iyo Pablo Sarabia, halka uu Keylor Navas oo ay waqti ku wada qaateen Real Madrid uu isaguna yahay goolhayaha koowaad ee Parc des Prince.

Warkan ayaa waxa uu yimid xilli Real Madrid lala xidhiidhinayo weeraryahanka PSG ee Kylian Mbappe oo la rumaysan yahay in Zinedine Zidane uu bartilmaameed ka dhigan doono xagaaga sannadka dambe ee 2021.