Kooxda Nagaad Ayaa Gool Ku Laagayaal Uga Soo Badisay Kooxda Lion City Kulan Lagu Xusaayey Alle Ha u Naxariistee Cabdiqani Xuseen?

Waxaa uu Kulan Lagu Xusaayey Alle Ha u Naxariistee Marxuum Cabdiqani Xuseen Cali Khayre Oo u Ciyaari Jiray Kooxda Lion City Oo Sanadkii Hore Ku Geeriyooday Wadanka Liibiya Alle Ha u Raxmadee.

Kulankan Waxaa Soo Qaban Qaabisay Kooxdii Lion City Ee Xuska Ugu Sameenaysay Ciyaartoygoodii Baasha Bidix Uga Ciyaari Jiray Kooxdaasi Waxaana Kulankan Intii Aan Gool Ku Laagyada La Gaadhin Ku Soo Idlaaday 22 Ay Kooxda Lion City Waxaa Labada Gool u Dhaliyey Cabdinajiib Halka Kooxda Nagaad Ay u Kala Dhaliyeen Caraaf Iyo Maxamed.

Waxaana Gool Ku Laagayaal 5-4 ah Sidaasi Ku Badisay Kooxda Nagaad Sidaana Ku Qaaday Koobkii Munaasibada ahaa Waxaana Xusid Mudan In Kooxda Lion City Shanta Gool Ee Ay Laagteen u Laagtay Liibaan, Taaxo, Najo, Abokor Iyo Ayuubi Oo Laga Qabtay.

Kooxda Nagaad Waxaa Shanta Gool u Laagay Ciyaartoyda Kala ah Carafaad, Maxamed, Xamse, Cayto Iyo Yaakhii Sidaana Ku Qaaday Koobkaasi Xuska ah Ee Alle Ha u Naxariistee Cabdiqani Xuseen Cali Khayre.

Walaal Faataxada Aynu u Marno Walaalkeen Iyo Islaamka Inaga Geeriyoodayba Alle Ha u Wada Naxariistee Aamiin.

08-Shabcaan-1441 Arbaca By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.