Kooxda MCC Ayaa Soo Bandhigtay Afar Ciyaartoy Oo Ka Mid Noqday Kooxdaasi?

Kooxda MCC Ayaa Soo Bandhigtay Afar Ciyaartoy Oo Ka Mid Noqday Kooxdaasi?
Kooxda MCC Ayaa Soo Bandhigta Afar Ciyaartoy Oo Ka Mid Noqday Kooxdaasi?

Kooxda Mogadishu City Club Oo Ka Mida Kooxaha Heerka Koowaad Ee Horyaalka Soomaaliya Ayaa Maanta Soo Bandhigtay Saxiixa Afar Ciyaartoy Oo Hada Si Rasmi ah Uga Mid Noqday Kooxdaasi.

Afarta Ciyaartoy Ee Kooxda MCC La Soo Wareegtay Ayaa Sadex Ka Mid ahi Ay Yihiin Ciyaartoyda Magaalada Boorama Ka Ciyaarta Ama Gobolka Awdal Ee Somalilaan Halka Ciyaartoyga Afaraadna u Dhashay Wadanka Ghana.

Cabdiraxmaan Calka Oo Hore Uga Tirsanaa Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa.

Sadexda Ciyaartoy Ee Gobolka Awdal Uga Yimid Kooxda MCC Ayaa Kala ah Cabdiraxmaan Calka, Cabdicasiis Luca Iyo Khadar Hazard Kuwaasi Oo Hada Si Rasmi ah Uga Mid Noqday Kooxda MCC.

Cabdicasiis Luca Oo Hore Uga Tirsanaa Kooxda Dowlada Hoose Boorama.
Khadar Hazard Oo Ka Tirsanaa Kooxda DHB.
Kone Moye Oo Ka Mid ahaa Ciyaartoyda Horyaalka Dalka Ghana.

10-Rajab-1441 Arbaca By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.