Kooxda Manchester United Ayaa Garoonkeeda Ku Xaadhatay kooxda Watford Xili Uu Wacdaro Dhigay Bruno Fernandes?

Kooxda Manchester United Ayaa Garoonkeeda Ku Xaadhatay kooxda Watford Xili Uu Wacdaro Dhigay Bruno Fernandes?
Kooxda Manchester United Ayaa Garoonkeeda Ku Xaadhatay kooxda Watford Xili Uu Wacdaro Dhigay Bruno Fernandes?

Kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku xasuuqday kooxda Watford oo marti u aheyd ka dib markii ay ku garaaceen 3-0 iyadoo saxiixooda cusub Bruno Fernandes uu markii ugu horeysay gool ka dhaliyay horyaalka Premier League isagoo labo caawina ku darsaday.

Bruno Fernandes ayaa gool rigoore ah ku furtay akoonkiisa Man United ka hor inta uu Anthony Martail dhalinin gool farsamo fiican oo loo bogay halka Mason Greenwood uu ku soo xiray gool gantaal aheyd.

Natiijadaan waxay Manchester United soo gelineysaa kaalinta shanaad iyagoo leh 41 dhibcood, waxayn kaliya seddexd dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Chelsea iyadoo la ciyaaray 27 kulan.

Labada kooxood ayaa fursado aad u tiro badan iska helay bilowgii qeybta hore iyagoo ku dhawaaday inay shabaqa iska soo taabtaan laakiin natiijadii ugu horeysay waxay timid daqiiqadii 40aad markii rigoore loo dhigay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

James ayaa kubad u dhex bixiyay Bruno Fernandes kaasoo xerada goolka la soo galay laakiin waxaa dhulka dhigay goolhayaha oo ku soo baxay, iyadoo garsooraha uu tilmaamay gool ku laad.

Waxaa rigoorada u soo joogsaday Bruno Fernandes kaasoo si degan dhinac qaldan ugu diray goolhayaha islamarkaana hogaanka u dhiibay Man United akoonka goolashiisa Premier League.

expanded thumbnail

Bruno Fernandes ayaa dhaliyay dhamaan 13kii rigoore ee ugu danbeysay ee uu tuuray horyaalada koowaad, markii ugu danbeysay ee rigoore laga qabto waxay aheyd 2016 markaasoo uu u ciyaarayay kooxda Talyaaniga ee Udinese.

Bilowgii qeybta labaad Watford ayaa u maleysay inay heleen goolka barbaraha markii uu shabaqa u soo taabtay Deeney laakiin VAR ayaa diiday goolka madaama ay jirtay kubad gacan lagu soo taabtay.

Daqiiqadii 58aad Man United ayaa heshay goolkii labaad ee ciyaarta markii Bruno Fernandes uu kubad u dhex bixiyay Anthony Martial kaasoo darbadiisa hore uu soo badbaadiyay goolhayaha laakiin weeraryahanka reer France ayaa farsamo cajiib ah soo bandhigay isagoo dhowr ciyaartoy oo Watford ah iyo goolhayaha kubad ku dulsameeyay ka hor inta uusan u qaadin dhanka goolka oo ku nasatay.

Daqiiqadii 75aad Man United ayaa heshay goolkii seddexaad iyadoo Bruno Fernandes uu kubad ugu dhigay banaanka xerada ganaaxa Mason Greenwood kaasoo kubad gantaal aheyd dabamariayy goolhayaha.

18 jirkaan ayay u aheyd mid ka mid ah goolashiisii ugu quruxda badnaa halka Bruno Fernandes uu sameeyay labo caawin iyo goolkii rigoorada ee uu dhaliyay kulankii maanta.

Daqiiqadii 84aad Odion Ighalo oo bedel ku soo galay ayaa ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto laakiin fursadiisa waxaa soo beenisay birta goolka.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Man United ku xasuuqday Watford iyagoo gaaray guushoodii labaad ee isku xigta ee horyaalka. Waxay haatan seddex dhibcood kaliya ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Chelsea.