Kooxda Man United Sidii Ay u Heli Lahaayeen Jack Grealish Waxay Xooga Saarayaan Wadadii Soo Xero Galinta?

Kooxda Man United Sidii Ay u Heli Lahaayeen Jack Grealish Waxay Xooga Saarayaan Wadadii Soo Xero Galinta?

Kooxda Premier League ee Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay sii horumarisay muhiimadeedii kubad sameeyaha ahna kabtanka kooxda Aston Villa ee Jack Grealish kaas oo uu shaqsiyan u dalbanayo tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Wargeyska ‘Eurosport’ ayaa shaaca ka qaaday in Grealish uu noqon doono ciyaartoyga ugu horreeya ee ay Manchester keenayso suuqa xagaaga ee xilli ciyaareedka 2020-21 isla markaana uu noqon doono iib tayo leh oo wax ku kordhiya weerarka kooxdaas.

Sida la fahamsan yahay, suuqa ayaa Man United u ogolaan doona xagaaga dhaqaale ahaan inay la wareegto laba ciyaartoy oo waaweyn, haddii ay noqoto gudaha Premier League ayay muhiimada koowaad siin doontaa Grealish halka ay banaanka England kala soo wareegi karto Jadon Sancho ugu horreynba.

Bixitaanka Grealish ayaa dhibaato weyn iyo dib u dhac ku noqon doona Aston Villa maadaama oo uu tan iyo carruurnimadiisii kooxdaas qayb kasoo ahaa una soo ahaa hoggaamiye.

Grealish ayaa ah mid ka ciyaari kara boosas kala duwan oo khadka dhexe ah waxaana kamid ah garabka weerarka si lamid ah boosaska No.10 iyo No.8.

Gudaha xilli ciyaareedkan ayay ahayd markii 24 sano jirkani uu dabka kusii shiday wararka la xidhiidhinayay Red Devils uu si cad u sheegay in gegida Old Trafford ay tahay mida uu ku riyoon jiray ilaa carruurnimadiisii.