Kooxda Man United Oo Baahi Weyn u Qabta Helista Jadon Sancho Waxaa Hada Kula Soo Biiray Kooxda Liverpool Iyo Chelsea?

Kooxda Man United Oo Baahi Weyn u Qabta Helista Jadon Sancho Waxaa Hada Kula Soo Biiray Kooxda Liverpool Iyo Chelsea?
Warka Ka Soo Baxay Kooxda Borussia Dortmund Ma Yahay Mid Farxad Galinaya Jadon Sancho Oo Tartan Loogu Jiro?

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho oo kamida xiddigaha haatan loogu doonista badan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyadoo inta ugu badan lala xidhiidhinayo kooxaha dalkiisa ee Chelsea, Liverpool iyo Manchester United.

Sida uu sheegayo warsidaha The Athletic, Man United ayaa ah kooxda haatan talaabada hore ugu qaaday saxeexa ay kusoo xero-galinayso iyadoo horeba kooxdaas loogu arkayay mida ugu cad cad ee la saxeexan karaysay.

Sancho oo xilli ciyaareedkii labaad ee qurux badan qaadanaya ayaa horyaalka Bundesliga kasoo sameeyay 14 gool iyo 16 caawimo kulamada uu matalay Dortmund.

The Athletic ayaa sheegaya in Jadon Sancho uu Man United ugu biiri karo sababtoo ah inuu aqoon u leeyahay oo uu horeba ugu soo noolaa magaalada Manchester maadaama oo uu kasoo baxay akaademiga Manchester City kahor u dhaqaaqistiisii Germany.

Sidoo kale inuu u wareego Man United ayaa ka dhigi doonta inuu halkaas kula midoobayo saaxiibkiisa xulka qaranka England ee Marcus Rashford oo ay kusoo wada baxeen liiskii xulkaas ee uu tababare Gareth Southgate u xushay kulamadii qaramada ee u dambeeyay.

Xiisaha ah inay labada da’yar koox u wada ciyaaraan ayaan ahayn mid kaliya ku kooban Sancho balse sidoo kale Rashford ayaa dhawaan saxaafada u sheegay inuu ku rajo weyn yahay inay wada ciyaaraan.