Kooxda Man City Ayaa Guusheedii Ay Ka Gaadhay Kooxda Dawacooyinka Wali Kaga Danbaysa Kooxda Haysa Hogaanka Horyaalka Premier League Ee Liverpool?

Kooxda Man City Ayaa Guusheedii Ay Ka Gaadhay Kooxda Dawacooyinka Wali Kaga Danbaysa Kooxda Haysa Hogaanka Horyaalka Premier League Ee Liverpool?
Kooxda Man City Ayaa Guusheedii Ay Ka Gaadhay Kooxda Dawacooyinka Wali Kaga Danbaysa Kooxda Haysa Hogaanka Horyaalka Premier League Ee Liverpool?

Kooxda Manchester City ayaa guul cidhiidhi ah ka gaadhay kooxda Leicester City kulan la isku rafaaday oo u dhaxeeyay kooxaha kaalimaha labaad iyo seddexaad iyagoo 1-0 ku dubtay kooxda Dawacooyinka oo marti loo ahaa.

Goolka qura ee ay ku badisay Sky Blues waxaa dhamaadkii ciyaarta u dhaliyay Gabriel Jesus iyadoo Sergio Aguero rigoore laga badbaadiyay qeybtii labaad ee ciyaarta.

City ayaa sii xajisatay booskeeda kaalinta labaad iyagoo leh 57 dhibcood halka ay todoba dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta seddexaad ee Leicester City kuwaasoo leh 50 dhibcood.

Manchester City ayaa ciyaarta maamuleysay inta badan qeybtii hore sidii laga filayayba laakiin Leicester City ayaa halis weyn ku aheyd kubadaha rogaalceliska ah iyadoo Jamie Vardy uu birta garaacay taasoo aheyd fursadii ugu fiicneyd.

Sergio Aguero ayaa isna shabaqa u soo taabtay Manchester City laakiin goolkiisa waa la diiday madaama uu offside ahaa iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Goolhaye Schmeichel ayaa badbaadintiisa sii watay qeybtii labaad isagoo fursad weyn ka badbaadiyay Kevin de Bruyne ka dib kubad uu ka helay Rodri.

Rigoore ayaa loo dhigay Manchester City daqiiqadii 60aad markii darbo uu tuuray Gundogan ay gacanta uga dhacday daafaca Leicester City Praet, iyadoo VAR ay xukmisay inay gool ku laad tahay.

Aguero ayaa u soo istaagay rigoorada daqiiqadii 62aad laakiin waxa uu kubada dhigay bartamaha taasoo u sahashay goolhaye Schmeichel inuu lugaha ku badbaadiyo.

Waa rigooradii shanaad oo ay seegto Manchester City todobadii rigoore ee ugu danbeysay ee loo dhigay tartamada oo dhan.

Daqiiqadii ku xigtay Schmeichel ayaa fursad kale ka badbaadiyay Aguero isagoo u dhawaaday inuu shabaqa soo taabto.

Manchester City ayaa ugu danbeyn hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 80aad iyadoo Gabriel Jesus uu shabaqa dhex dhigay baas uu ka helay Riyad Mahrez.

VAR ayaa hubisay in goolka uu offside ahaa waxayna xukmiyeen inuusan garab dhaaf aheyn.

Goolkaasi ayay ciyaarta ku soo dhamaatay iyadoo Manchester City ay haatan 19 dhibcood ka danbeyso kooxda hogaanka heysa ee Liverpool oo kulan u harsan yahay.