Kooxda Liverpool Sodan Sano Ka Dib Miyey Hanan Kartaa Koobka Horyaalka Premier League Mise Caqabada Xanuunka Coronavirus Ayaa Saamayn Ku Yeelan Doona?

Kooxda Liverpool Sodan Sano Ka Dib Miyey Hanan Kartaa Koobka Horyaalka Premier League Mise Caqabada Xanuunka Coronavirus Ayaa Saamayn Ku Yeelan Doona?
Kooxda Liverpool Sodan Sano Ka Dib Miyey Hanan Kartaa Koobka Horyaalka Premier League Mise Caqabada Xanuunka Coronavirus Ayaa Saamayn Ku Yeelan Doona?

Kooxda Liverpool oo muddo soddon sannadood ah raadinaysay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, xili ciyaareedkan ayay kaabiga u saaran tahay, isla markaana ay laba ciyaarood oo kali ahi uga hadhsan yihiin inay ku guuleysato horyaalkeedii ugu horreeyey soddonkaasi sannadood.

Labada kulan ee uga hadhay hanashada horyaalka, Liverpool ma hubto inay ciyaari doonto sababtoo ah waxa uu haddaba hakad ku jiraa muddo bil ah sabab la xidhiidha xanuunka Coronavirus dartii.

Doodaha miiska saaran ayaa waxay qaarkood sheegayaan in ciyaaruhu dib u bilaabmi karayaan bisha May amaba horraanta June, laakiin waxa dhici karta in gebi ahaanba horyaalka xili ciyaareedka la baabi’iyo oo halka uu hadda marayo lagu joojiyo, balse waxay su’aashu noqonaysaa haddii ay tani dhacdo, waa tee kooxda horyaalka la guddoonsiin doono?

Liverpool ayaa dabcan soo shaqaysatay oo 25 dhibcood ka horreysa Manchester City oo kusoo xigta, laakiin maaha in koobka la guddoonsiiyo haddii horyaalka halkan lagu joojiyo, sida uu sheegay Alan Shearer.

“Haddii, xili ciyaareedka la dhamaystiri kari waayo, markaa ma jirayaan cid guuleysatay iyo cid khasaartay. Tani waxay dhibaato iyo qalbi jab ku noqon doontaa kooxaha qaarkood, laakiim kama murugo badnaanayaan Liverpool. Haddii aanad dhamaystiranin ciyaaraha kuu hadhsan, markaa jirto koox doonan karta horyaalka amaba cid dib ugu dhici karta heerka labaad.” Ayuu yidhi Alan Shearer.

“Liverpool ayay dhibaatada ugu xun ku tahay, laakiin ma arkayo sabab ay caddaalad ku noqon karayso in la siiyo koobka horyaalka inkasta oo ay xaqiiqadu tahay in aanay jirin cid soo qaban karaysa iyaga. Kaliya waxay u baahan yihiin lix dhibcood ana heli karayaan illaa hadda.” Ayuu raaciyey.Si kastaba Liverpool, waxay kaliya u baahan tahay laba ciyaarood oo ay badiso haddii la furo horyaalka Premier League bisha April ee soo socota.