Kooxda Liverpool Oo Sideed Bilood Ka Dib Mar Kale Booqanaysa Garoonka Estadio Wanda Metropolitano Xili Ay La Ciyaari Doonaan Kooxda Atletico Madrid?

Kooxda Liverpool Oo Sideed Bilood Ka Dib Mar Kale Booqanaysa Garoonka Estadio Wanda Metropolitano Xili Ay La Ciyaari Doonaan Kooxda Atletico Madrid?
Kooxda Liverpool Oo Sideed Bilood Ka Dib Mar Kale Booqanaysa Garoonka Estadio Wanda Metropolitano Xili Ay La Ciyaari Doonaan Kooxda Atletico Madrid?

Kooxda difaacaneysa koobka horyaalada yurub ayaa caawa marti ku ah garoonkii ay koobka kaga qaaday Tottenham Hotspur sideed bilood ka hor, balse markaan waxey marti u tahay jabahadda uu hogaamiyo Diego Simeone.

Reds waxey u dhawdahay iney ku guuleysato horyaalka Ingiriiska markii ugu horreysay muddo 30-sano ah maadaama ay in ka badan 20-dhibcood hogaanka ku heyso, balse markaan waxey xooga saareysaa tartanka yurub.

Simeone wuxuu u baahan yahay inuu cadeeyo tayadiisa maadaama ay kooxdiisa fasalkaan soo bandhigeen qaab ciyaareed liita, aad ayey uga fog yahiin hogaanka La Liga, sidoo kalana waxaa laga reebay tartanka Copa del Rey.

Iney wax fiican ka sameeyaan koobka yurub ayey ku badbaadin karaan fasalkooda, sidaas darteed waxey la kulmayaan koox awoodeeda leh.

Atletico Madrid ayaa weyneysa da’yarkooda reer Portugal Joao Felix, sidoo kalana Kieran Trippier ayaa xanuun gumaarka ah ku seegi kara ciyaarta caawa.

Liiska ciyaartoyda Atletico waxaa lagu soo daray Diego Costa, Jose Gimenez oo kursiga la dhigay ciyaartii Valencia ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto safka hore.

Alvaro Morata ayaa sidoo kale diyaar u ah inuu wajaho Reds.

James Milner iyo Sadio Mane ayaa kasoo muuqan kara kulankaan kadib markii ay kasoo tooseen dhaawacyadii ay qabeen, inyar ayey kasoo muuqdeen kulankii Norwich, Jurgen ayaa dooran kara safkiisa ugu xoogan.

Kulanka caawa waa midkii 5-aad ee ay labada kooxood ku kulmaan tartanka horyaalada yurub.

Atletico Madrid ayaa u gudubtay semi final-ka koobka Europa League kadib markii ay goolasha banaanka kaga soo baxday Liverpool 2010, halka labada jeer ee kale ay min 1-1 isla dhaafi waayeen kulamada koobka horyaalada yurub, wareega group-yada 2008-2009.