Kooxda Liverpool Maku Soo Biiri Kartaa Tartanka Loogu Jiro Leroy Sane u Ciyaara Kooxda Man City?

Kooxda Liverpool Maku Soo Biiri Kartaa Tartanka Loogu Jiro Leroy Sane u Ciyaara Kooxda Man City?
Kooxda Liverpool Maku Soo Biiri Kartaa Tartanka Loogu Jiro Leroy Sane u Ciyaara Kooxda Man City?

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lagula taliyey inay ku biirto tartanka loogu jiro xiddiga reer Germany ee Leroy Sane oo Manchester City ka tegaya xili ciyaareedkan sida ay wararku sheegayaan.

Garabkan waxtarka badan leh ayey wararku sheegayaan inuu tegi doono Bayern Munich oo u gacan haadinaysay in muddo ah, laakiin Jurgen Klopp oo u baahan inuu helo beddelka Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo haddii midkood baxo ay tahay in laacibkii booskooda soo geli lahaa uu diyaarsado, ayaa waxa loo soo jeediyey inuu Bayern Munich kula tartamo saxeexa Sane oo uu ka hor qaado haddii ay suurtogal tahay.

Qandaraaska uu Sane kula jiro City, ayaa waxa uu dhacayaa sannadka dambe ee 2021, laakiin waxa uu iska diiddan yahay inuu saxeexo heshiis cusub, taasina waxay ku qasbaysaa in dalabyada laga soo gudbiyo ay dhegaystaan oo ay iibiyaan si aanu qaab xor ah ugaga tegin sannad kaddib.

Laacibkan ayaa qiimihiisa lagu sheegay £90 milyan, laakiin kooxda reer England waxa uu hore shiishkeedu u saarnaa Adama Traore oo Wolves garabka uga ciyaara.

Sida uu sheegay halyeygii hore ee City ee Danny Mills, Sane oo Citizens u ciyaaray 134 kulan, una dhaliyey 39 gool, waxa uu rumaysan yahay in ciyaartiisu ku habboon tahay Liverpool.

“Adama Traore marar badan ayuu qabsaday bogagga hore ee warbaahinta, sababtoo ah orodkiisa iyo awooddiisa, laakiin marka la eego koox ku guuleysanaysa horyaalka in laga beddelo ciyaartoy sida Sadio Mane ama Mohamed Salah, ilama aha inuu halkaas gaadhsiisan yahay.” Ayuu yidhi Danny Mills.

“Qof sida Leroy Sane ah ayaa suurtogal ah. Waxa uu kasoo laabanayaa dhaawac, waxaana lala xidhiidhinayaa dhowaanahan inuu dibedda u baxayo. Da’diisa yar, tayadiisa sarraysa iyo khibraddiisa ayaa ayey u baahan tahay Liverpool, laakiin ma garanayo haddii City ay ka iibin doonto koox ay loollamayaan.”