Kooxda Liverpool Ma Tahay Kooxda Hanan Karta Xili Ciyaareedka Horyaalka Premier League Ee Ingiriiska.

Kooxda Liverpool Ma Tahay Kooxda Hanan Karta Xili Ciyaareedka Horyaalka Premier League Ee Ingiriiska.
Kooxda Liverpool Ma Tahay Kooxda Hanan Karta Xili Ciyaareedka Horyaalka Premier League Ee Ingiriiska.

Liverpool waxay haddaba tahay kooxda loo caleemo saaray ku guulaysiga koobka Premier League waxayna sugayaan oo kaliya inta xisaab ahaan uu si rasmi ah koobkoodii u noqonayo.

Manhester City waxay hadda muhiimada kowaad ka dhigatay kaalinta labaad iyada oo Leicester City kaalinta saddexaad si wayn ugu dagaalamaysa.

Laakiin xamaasada ugu badani waxay ka taagan tahay laba goobood, waa kaalinta afraad ee Champions League loogu soo baxayo iyo waliba lixda kooxood ee sare kooxaha ku dhamaysan doona maadaama oo ay jiraan kooxo yar yar oo wacdaro la soo baxay.

Haddaba saadaasha cusub ee Super computer waxaa lagu sheegay in Liverpool ay taariikh aan abid la arag dhigi doonto isla markaana ay xili ciyaareedka ku dhamaysan doonto iyada oo haysata 112 dhibcood.

Leicester City ayaa loo saadaaliyay in ay kaalinta labaad ugu dhamaysan doonto 84 dhibcood halka Man City loo saadaaliyay in ay kaalinta saddexaad ku gali doonaan 77 dhibcood, waxana Chelsea loo saadaaliyay in ay kaalinta afraad ugu dhamaysan doonto 69 dhibcood.

Sheffield United iyo Wolves ayaa loo saadaaliyay in ay u soo bixi doonaan Europa League halka kooxaha Tottenham, Man United iyo Arsenal ay yihiin kuwa aan jeclaysan karin saadaashan ku salaysan xogta xili ciyaareedkan ee kooxaha Premier League ee lagu sameeyay Super Computer.

1. Liverpool – 112 Dhibcood

2. Leicester – 84

3. Man City – 77

4. Chelsea – 69

5. Sheffield United – 61

6. Wolves – 58

7. Tottenham – 56

8. Man Utd – 55

9. Arsenal – 48

10. Everton – 48

11. Crystal Palace – 45

12. Newcastle – 45

13. Brighton – 44

14. Burnley – 43

15. Southampton – 40

16. West Ham – 37

17. Bournemouth – 34

18. Aston Villa – 31

19. Watford – 30

20. Norwich – 27

Kooxaha Norwich City, Watford iyo Aston Villa ayaa loo saadaaliyay in ay ka hadhi doonaan premier League isla markaana ay u dhici doonaan horyaalka heerka labaad.