Kooxda Liverpool Kulanba Kan Xiga Ayaa Ku Sii Dhaweenaysa Hanashada Horyaalka Premier League?

Kooxda Liverpool Kulanba Kan Xiga Ayaa Ku Sii Dhaweenaysa Hanashada Horyaalka Premier League?
Kooxda Liverpool Kulanba Kan Xiga Ayaa Ku Sii Dhaweenaysa Hanashada Horyaalka Premier League?

Liverpool ayaa kulanba midka ka dambeeya ku sii dhawaanaysa hanashada horyaalkeedii ugu horreeyay ee Premier League ah iyo horyaalkoodii ugu horreeyay ee heerka ugu sarreeya England mudo 30 sano ah iyadoo laga sii fikirayo waxyaabo la xidhiidha marka ay guuleystaan.

Wargeyska The Athletic ayaa xog cusub kasoo saaray wakhtiga ay Liverpool sida rasmiga ah gacanta ugu dhigi doonto horyaalka iyo sida ay haatanba usii qorsheysteen inay ku dabaaldegaan bas dusha furan.

Image result for liverpool

The Athletic ayaa sheegaya in Liverpool wakhti kasta oo ay horyaalka ku guuleysataba ay dabaaldega rasmiga ah sugi doonto kulanka Chelsea ee Anfield ee 9 May markaas oo ay horyaalka guddoomi doonaan sababtoo ah in kulanka u dambeeya ee Newcastle ay marti noqonayaan.

Haddii xiddigaha Jurgen Klopp ay ku guuleystaan inay sii wadaan guulaha sidoo kalena ay Manchester City guuleysato dhammaan kulamada soo socda ayay Reds ciyaarta Etihad Stadium ku guuleysan doonaan horyaalka.

Image result for liverpool

Wakhtigaas ayaa noqon doona midkii ugu dhakhsaha badnaa ee abid Premier League lagu guuleysto iyadoo ay jamaahiirta Liverpool lix kulan oo midkaas ka dambeeya ay sii wadi doonaan dabaaldega ay kaga soo kabanayaan 30 sano oo dib u dhac ahaa.

Sidoo kale kumanaan jamaahiir ah ayaa la filayaa inay qayb ka noqon doonaan dabaaldega Liverpool ee baska furan iyadoo maalinta loo doortay in dabaaldegaasi qabsoomo ay tahay 18-ka bisha May.