Kooxda Liverpool Ee Haysa Hogaanka Premier League Ayaa Hada Raadinaysa Ciyaartoy Ka Ciyaara Horyaalka Bundesliga?

Kooxda Liverpool Ee Haysa Hogaanka Premier League Ayaa Hada Raadinaysa Ciyaartoy Ka Ciyaara Horyaalka Bundesliga?
Kooxda Liverpool Ayaa La Dhacday Wacdarihii Uu Dhigay Mid Ka Mida Ciyaartoyda Ay Xagaaga Soo Xero Galin Doonto Waa Kuma Hadaba?

Kooxda hoggaanka u haysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan ka gaadhay xiddiga ay saxeexiisa doonayso xilli lala xidhiidhinayay saddexleyda Jadon Sancho, Kai Havertz iyo Timo Werner oo dhammaantood horyaalka Bundesliga ka ciyaara.

Sida ay sheegayaan warbixinadii ugu dambeeyay, Liverpool ayaa doonaysa inay lasoo saxeexato weeraryahan Timo Werner oo qayb ka ah kooxda Red Bull Leipzig xilli ciyaareedkana ka caawinaya kooxdiisa inay horyaalka u tartanto.

Werner ayaa 25 gool kasoo dhaliyay 29 kulan oo uu kooxdiisa matalay tartamada oo dhan taas oo qasabtay inuu soo jiito indhaha Liverpool iyo waliba kooxaha ay PL wada joogaan ee Manchester United iyo Chelsea.

Reds oo waayi doona Mohamed Salah iyo Sadio Mane xilli ciyaareedka dambe sababtoo ah koobka qaramada Africa oo kusoo beegmaya ayaa doonaya saxeexa xiddig boosaskaas sii buuxin kara.

Image result for liverpoolo

23 sano jirkan qaybta ka ah xulka qaranka Germany ayaa lagu soo warramayaa in kaliya 51 Milyan lagu jabin karo heshiiskiisa taas oo Liverpool ku qasbaysa inay isaga doorato.

Liverpool ayaa Werner u aragta dookh aad ugu haboon dhaqaale ahaan marka lala barbardhigo mucjisada Borussia Dortmund ee Jadon Sancho iyo Hevrtz oo wacdarro ku dhigaya Leverkusen kuwaas oo uu midkasta ku qiimaysan yahay 100 Milyan iyo ka badan.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Werner oo xiisaha Liverpool ka hadlayay uu yidhi “Waanu ka fikiri doonaa (Haddii ay dalab igasoo gudbiso)”.