Kooxda Liverpool Ayaa La Dhacday Wacdarihii Uu Dhigay Mid Ka Mida Ciyaartoyda Ay Xagaaga Soo Xero Galin Doonto Waa Kuma Hadaba?

Kooxda Liverpool Ayaa La Dhacday Wacdarihii Uu Dhigay Mid Ka Mida Ciyaartoyda Ay Xagaaga Soo Xero Galin Doonto Waa Kuma Hadaba?
Kooxda Liverpool Ayaa La Dhacday Wacdarihii Uu Dhigay Mid Ka Mida Ciyaartoyda Ay Xagaaga Soo Xero Galin Doonto Waa Kuma Hadaba?

Kooxda Liverpool ayaa u muuqata mid haatanba sii bilaabaysa qorshayaasheeda suuqa kala iibsiga xagaagan xilli shaaca laga qaaday inay shaqsiyaad indho indhayn waday u dirsatay kulankii Derby Della Madonnina ee labada Milan dhex maray.

Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay kulankaas si dhaw ula socotay una dan lahayd khadka dhexe ee Inter Milan ee Marcelo Brozovic kaasi oo kulankaasi door aad u weyn ka qaatay.

Brozovic ayaa kulankaas Inter u dhaliyay goolkii koowaad ee guusha soo laabshada ah ku dhiirigeliyay waxaana uu sidoo kale kulankaas qaaday masuuliyada kabtanimo ee Nerazurri.

Il wareedka lagu magacaabo FCInterNews ayaa shaaca ka qaaday in shaqsiyaad ka socday Liverpool ay xaadir ku ahaayeen garoonka kulankii ay Inter guusha 4-2 ah gaadhay iyagoo daawanayay qaab ciyaareedka xiddiga heer caalami ee xulka Croatia.

Heshiiska uu Brozovic kula joogo Inter Milan ayaa ah mid gaadhsiisan ilaa sanadka 2022 laakiin waxa uu leeyahay qiimo lagu bur-burin karo iyadoo qiimahaas loo ogol yahay kaliya kooxaha ka baxsan Talyaaniga kaas oo war wanaagsan u ah Liverpool.

Nerazurri ayaa lagu soo warramayaa inay ka shaqaynayaan inay heshiis cusub oo ilaa sanadka 2024 ah ka saxeexdaan Brozovic isla markaana ay isku dayaan inay qoddobka lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa u yeelaya gabi ahaanba meesha ka saaraan.

Si kastaba ha ahaatee, In Liverpool ay daawatay xiddigan Axadii ayaa dedejin karta qorshaha ay Inter kaga doonayso heshiiska cusub si ay uga hor tagaan inuu qiimo jaban kaga baxo oo uu ugu wareego Reds amaba kooxaha kale ee Talyaaniga ka baxsan.