Kooxda Ka Dhisan Gobolka Catalonia Ee Girona Ayaa Ciyaartoy Ka Mida Laga Helay Xanuunka Coronavirus?

Kooxda Ka Dhisan Gobolka Catalonia Ee Girona Ayaa Ciyaartoy Ka Mida Laga Helay Xanuunka Coronavirus?
Kooxda Ka Dhisan Gobolka Catalonia Ee Girona Ayaa Ciyaartoy Ka Mida Laga Helay Xanuunka Coronavirus?

Waddanka Spain ayaa noqday dalka labaad ee dhimashada ugu badan uu ka geystay caabuqa Coronavirus, waxaanay ku xigaan Talyaaniga, halka uu China kaalinta saddexaad u dhaadhacay oo ay dalal kale kusoo dhowaanayaan inay ka sare maraan.

Dhawr kooxood oo waddanka Spain ka dhisan ayaa bishan gudaheeda shaaciyey tiro ciyaartoy ah oo uu kaga dhacay xanuunka Coronavirus, kaas oo sidoo kale ay u geeriyoodeen tababare iyo madaxweyne hore usoo maray Real Madrid, halka uu mid kale oo kooxdaas ahina u jiifo.

Kooxda kubadda Girona ee ka dhisan gobolka Catalonia ayaa noqotay naadigii ugu dambeeyey ee diiwaangeliyey kiisas cusub, waxaanay Arbacadii soo bandhigtay in hal ciyaartoy oo kale uu ku biiro tiro laacibiinteeda oo usbuucyadii ugu dambeeyey uu haleelay caabuqu.

Xiddigan Arbacadii shalay laga helay xanuunka, waxa kasii horreeyey laba ciyaartoy oo kale oo astaamaha xanuunka laga arkay, kaddib baadhitaano lagu sameeyeyna la caddeeyey inay qabaan Coronavirus.

Si kastaba ha ahaatee, xanuunka Coronavirus oo dunida oo dhan khalkhal geliyey, waxa Girona ka mid tahay kooxo bilaabay olole wacyigelin ah oo taageereyaasha iyo guud ahaan dadweynaha adduunka ay ugu soo bandhigayso qaababka uu xanuunku ku faafo iyo siyaabaha ay tahay inay iskaga ilaaliyaan. Laacibiinta kooxda ayaa soo duubay muuqaallo ay maamulku abaabuleen oo lagu baahiyey baraha bulshada.