Kooxda Juventus Hadii Ciyaartoy Ka Tirsan Laga Helay Xanuunka Coronavirus Saamayn Maku Yeelan Karaa Dhanka Maaliyada?

Kooxda Juventus Hadii Ciyaartoy Ka Tirsan Laga Helay Xanuunka Coronavirus Saamayn Maku Yeelan Karaa Dhanka Maaliyada?
Kooxda Juventus Hadii Ciyaartoy Ka Tirsan Laga Helay Xanuunka Coronavirus Saamayn Maku Yeelan Karaa Dhanka Maaliyada?

Caabuqa dunida sida weyn ugu fidayay dhawaanahan ee Coronavirus ayaa u muuqda mid saamayntiisu ay maalinba mida xigta sii balaadhanayso waxaana ay haatan gaadhay hoggaanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo oo uu kooxdiisa Juventus xiddigo muhiim ah ka haleelay Coronavirus ayuu haatan markale guud ahaan kooxdaasi ka saamayn karaa dhinaca maaliyadeed.

Sida ay sheegayaan warbaahinta dalka Spain, Juventus iyo dhammaan kooxaha kale ee ree Spain ayaa ku dhaw inay mushahar dhimis 20% ilaa 30% ah ku sameeyaan xiddigaha kooxahooda mudada lagu jiro karantiilka Coronavirus.

Haddiiba ay go’aankaas si dhammaystiran u gaadho Bianconeri, Cristiano ayaa waayi doona 9 Milyan oo euro oo kamid ah mushaharaadkiisa sida lagu sheegay wargeyska Mundo Deportivo.

Sida uu horeba u sheegay il wareedka xog-ogaalka u ah arrimaha dhaqaalaha ciyaartoyda ee Forbes, Ronaldo ayaa sanadkii hela lacag guud ahaan 390 Milyan oo euro ah.

Lacagtaas ayaa qadar aad u yar uu ka noqonayaa mushaharkiisa 30-ka Milyan ee euro ah oo ah halka uu 9-ka Milyan ka waayayo haddiiba ay kooxaha Serie A dhaqan-galiyaan qorshaha mushahar dhimista.

Isha ugu weyn ee uu dhaqaaluhu kasoo galo CR7 ayaa ah shirkada Nike oo heshiis noloshiisa oo dhan ah kula jirta isla markaana uu 835 Milyan oo euro uu ka helo.