Kooxda Juventus Ayaa Heshiiska Sii Joogitaanka Juventus u Kordhisay Goolhayahooda Wojciech Szczesny?

Kooxda Juventus Ayaa Heshiiska Sii Joogitaanka Juventus u Kordhisay Goolhayahooda Wojciech Szczesny?
Kooxda Juventus Ayaa Heshiiska Sii Joogitaanka Juventus u Kordhisay Goolhayahooda Wojciech Szczesny?

Goolhayaha kooxda Juventus Wojciech Szczesny ayaa heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxda heysata horyaalka Serie A illaa iyo sanadka 2024.

Laacibka reer Poland ayaa iska dhigay inuu yahay goolhayaha dooqa koowaad ee kooxda Turin tan iyo markii Gianluigi Buffon uu ku biiray Paris Saint Germain ka hor xilli ciyaareedka 2018-19.

Juve ayaa Talaadadii shaacisay in Szczesny, oo uga soo dhaqaaqay Arsenal bishii July 2017 ka dib labo xilli ciyaareed oo amaah ah uu ugu qaatay Roma, uu kordhiyay joogitaankiisa kooxda difaacaneysa horyaalka Serie A.

29 jirkan ayaa 84 kulan u saftay kooxda difaacaneysa horyaalka, isagoo kula guuleystay Scudetto labo jeer, iyo Coppa Italia iyo Supercoppa Italiana mar.

Szczesny ayaa xilli ciyaareedkaan hogaaminayay kooxda Maurizio Sarri, isagoo Buffon keydka gelinaya inta badan ololaha ka dib soo laabashadii Italy ee kooxda.

Wuxuu yiri: “Tani waxay cadeyn u tahay kooxda kalsoonida ay igu qabaan, sidaa darteed aad ayaan u faraxsanahay.

Waxaan eegi doonaa inaan sii wado sida ugu wanaagsan ee aan u bixinayo sannadaha soo socda kooxda Juve. ”

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan halkaan joogaa ilaa 2024 oo waxaan doonayaa inaan ku guuleysto wax walba. Tani waa ujeeddada kooxda iyo ciyaartoydeyda. Waxaan u baahan nahay inaan dhididno, orodno oo aan wax u hurnno si aan u gaarno himilooyinka, kuwaas oo koobab iyo koobab badan.”

Ka dib 23 kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkan, Juve ayaa ku xigta kooxda Antonio Conte ee Inter, iyagoo ka sareeya farqiga goolasha.