Home BundesLiga

Kooxda Ilaa Hada La Sii Ogyahay Inay Ku Dhow Dahay Helitaanka Philippe Coutinho Amaahda Barcelona Uga Maqan Kooxda Bayern Munich?

Kooxda chelsea ayaa aad ugu dhaw in ay kooxda Barcelona kala heshiiso saxiixa xiddiga Philippe Coutinho ka hor suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Philippe Coutinho oo 27 jir ah ayaa si aad ah ugu dhibatooday in uu la qabsaday Barcelona kadib markii uu ka tagay Liverpool 2018 isaga oo haatan Amaah ugu jooga kooxda Bayern Munich.

Xiddiga reer Brazil ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo Bayern u dhaliyay 8 gool 6 kalena caawiye ka noqday laakiin Bayern ayaan doonayn in ay si toos ah ula wareegto xiddiga.

Arintaas aya la macno ah in uu mustaqbalka Philippe Coutinho shaki weyn ku jira iyada oo uu xiddigii hore ee Liverpool ku laabanayo horyaalka premier League oo uu xiiso ka helayo kooxaha Arsenal, Man United, Tottenham iyo Chelsea.

Wargayska Sport ee ka soo baxa Barcelon ayaa sheegaya in ay Chelsea aad ugu dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe.