Kooxda Goodir Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Koowaad Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Goodir Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Koowaad Tartanka Sonyo Cup?
Kooxda Goodir Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Koowaad Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Ciidanka Booliska Ee Goodir Ayaa 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Wasaarada Xanaanada Xoolaha Ee Waxool Tartanka Sonyo Cup Garoonka Weyn Hargeysa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

Daqiiqadii 30.aad Ayaa Kooxda Goodir Heshay Goolka Furitaanka Waxaana Madax Ku Dhaliyey Xamse Lampard.

Qaybta Hore Ayaa Lagu Kala Nastay 1-0 Hogaanka Hayso Kooxda Goodir Waxaana Kulanka Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Cabdicasiis Dheere Waxaana Loo Gudbay Qaybtii Danbe Ciyaarta.

Daqiiqadii 57.aad Kooxda Goodir Ayaa Heshay Goolka Labaad Waxaana u Dhaliyey Axmed Kayse Rambo.

Daqiiqadii 78.aad Kooxda Wasaarada Waxool Ayaa Heshay Goolka Madiga ah Waxaana u Dhaliyey Nuuradiin Foodyare.

Si Kastaba Kooxda Ciidanka Booliska Ee Goodir Ayaa 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Wasaarada Xanaanada Xoolaha Ee Waxool Tartanka Sonyo Cup Garoonka Weyn Hargeysa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

14-Rajab-1441 Axad By Tayo Qaran AL-AhmåDi.