Kooxda Gaashaan Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Gaashaan Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup?
Kooxda Gaashaan Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Ciidanka Qaranka Ee Gaashaan Ayaa 1-0 Uga Soo Badisay Kooxda Ciidanka Booliska Ee Goodir Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeysa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

Qaybta Hore Ee Ciyaarta Ayaan Wax Goolal ah La Kala Dhashan Xili Loo Gudbay Qaybtii Danbe Ciyaarta Waxaana Kulankan Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Cabdicasiis Dheere.

Daqiiqadii 46.aad Kooxda Ciidanka Qaranka Ee Gaashaan Ayaa Heshay Gool Ku Laag Waxaana Gool Ku Laagaasi u Dhaliyey Caadil Good Hure.

Caadil Good.

Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Kulankan?

Waxaa Uu Ahaa Kulan Aad Loo Sugaayey Si Weyn Loo Xiiseenaayey Daawashadiisa Xili Ay u Soo Daawasho Tageen Shacabkii Ugu Badnaa Ee Kulan Noocan Oo Kale ah Ka Soo Qayb Gala Ama Si Kale Intii uu Socday Tartanka Sonyo Cup Ee 11-Maalmood.

Waxaa Lagu Xasuusan Doonaa In Labada Macalin Ee Kala Hogaaminaayey Labadan Kooxood Goodir Iyo Gaashaan Ay Hore Ugu Soo Kala Ciyaareen Kooxaha Ay Laylinaayeen Waana Macalin Jamaal Jante Oo Kooxda Goodir Laylinaayey Iyo Macalin Cabdifataax Shanbidhiidho Oo Kooxda Gaashaan Laylinaayey.

Kooxda Ciidanka Booliska Ee Goodir Ayaa Xustay Laba Shakhsi Oo Ka Baxay Ciidanka Booliska Kuwaasi Oo Kala Ahaa Goolhayihii Hore Kooxdan Marxuum Cabdirisaaq Carab Iyo Taliyihii Hore Ee Ciidanka Booliska Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan Alle Ha u Raxmado Labadooda Oo Kala Geeriyooday Sanadkan 1441 Iyo Sanadkii 1440 Ee Hijiriyada Faataxada Aynu Marno Iyaga Iyo Islaamka Geeriyooday.

Faataxada Aynu Marno Iyaga Iyo Islaamka Geeriyooday.

Si Kastaba Kooxda Ciidanka Qaranka Ee Gaashaan Ayaa 1-0 Uga Soo Badisay Kooxda Ciidanka Booliska Ee Goodir Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeysa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

22-Rajab-1441 Isniin By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.