Kooxda Fc Valencia Ayaa Guul Ka Gaadhay Kooxda Fc Friends Tartanka Hargeisa Sports Ee Kooxaha Heerka Sadexaad?

Kooxda Fc Valencia Ayaa Guul Ka Gaadhay Kooxda Fc Friends Tartanka Hargeisa Sports Ee Kooxaha Heerka Sadexaad?
Kooxda Fc Valencia Ayaa Guul Ka Gaadhay Kooxda Fc Friends Tartanka Hargeisa Sports Ee Kooxaha Heerka Sadexaad?

Kooxda Fc Valencia Ayaa 7-2 Uga Soo Badisay Kooxda Fc Friends Tartanka Hargeisa Sports Ee Kooxaha Heerka Sadexaad Garoonka Laynka Bilayska Degmada 26-June Ee Magaalada Hargeysa.

Iyadoon Hal Daqiiqo Dhamaan Oo 45-Ilbidhiqsi Marayso Ayaa Kooxda Valencia Heshay Goolka Furitaanka Waxaana u Dhaliyey Mustafe Taffo.

Daqiiqadii 6.aad Mar Kale Kooxda Valencia Waxay Heshay Goolka Labaad Waxaana u Dhaliyey Sakariye Canbash.

Daqiiqadii 15.aad Kooxda Valencia Waxay Heshay Goolkeeda Sadexaad Waxaana u Dhaliyey Sakariye Canbash.

Daqiiqadii 20.aad Kooxda Valencia Waxay Heshay Goolkeeda Afaraad Waxaana u Dhaliyey Sakariye Lukaku.

Daqiiqadii 25.aad Kooxda Friends Ayaa Heshay Goolkeeda Koowaad Waxaana u Dhaliyey Xasan.

Qaybta Hore Ayaa Lagu Kala Nastay 4-1 Oo Hogaanka Ciyaarta Hayso Kooxda Fc Valencia Iyadoo Loo Gudbay Qaybtii Danbe Ciyaarta.

Daqiiqadii 30.aad Kooxda Valencia Waxay Heshay Goolkeeda Shanaad Waxaana u Dhaliyey Sakariye Lukaku.

Daqiiqadii 45.aad Kooxda Valencia Waxay Heshay Goolkeeda Lixaad Waxaana u Dhaliyey Timo.

Daqiiqadii 48.aad Kooxda Friends Waxay Heshay Goolkeeda Labaad Waxaana u Dhaliyey Mustafe.

Daqiiqadii 52.aad Kooxda Valencia Ayaa Heshay Goolkeeda Todobaad Waxaana u Dhaliyey Nuux Ismaaciil.

Kulankan Ayaa Waxaa Wacdaro Ka Dhigay Sakariye Canbash Iyo Sakariye Lukaku Kuwaasi Oo Min 2-Gool u Dhaliyey Kooxdooda Valencia Xili Kooxdan Macalinkooda Cusub Ee Khadar Jidaaye Guul Ku Bilowday Taniyo Intii Loo Magacaabay Kooxda Valencia.

Waxaana Kulan Dhexdhexaadiye Ka ahaa Cabdiraxmaan Atam Kaasi Oo Kulankiisii Labaad Oo uu Dhexdhexaadiye Ka Noqday Galabta ahaa.

Si Kastaba Kooxda Fc Valencia Ayaa 7-2 Uga Soo Badisay Kooxda Fc Friends Tartanka Hargeisa Sports Ee Kooxaha Heerka Sadexaad Garoonka Laynka Bilayska Degmada 26-June Ee Magaalada Hargeysa.

16-Jamadul Thaani-1441 Isniin By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.