Kooxda Dynamo Brest Waxyaabihii Ay Ku Soo Jiidatay Warbaahinta Aduunka?

Kooxda Dynamo Brest Waxyaabihii Ay Ku Soo Jiidatay Warbaahinta Aduunka?
Kooxda Dynamo Brest Waxyaabihii Ay Ku Soo Jiidatay Warbaahinta Aduunka?

Dhamaan horyaalada qaarada Yurub ayuu albaabada iskugu dhuftay caabuqa Coronavirus marka laga reebo hal horyaal oo wali u socda qaabkii ay kubbada cagtu soo ahayd ka hor intii aanu COVID-19 hiilfaha u qaadin.

Dalka Belarus waa dalka kaliya ee qaarada Yurub ah ee uu wali horyaalkiisii u socdo sidii caadiga ahayd laakiin koox dalkan ka dhisan ayaa samaysay arin qariib ah oo indhaha caalamka soo jiidatay.

Madax waynaha dalka Belarus ee Alexander Lukashenko ayaa si lama filaan ah dhawaan u sheegay in nooca khamriga ee vodka uu daawo ka yahay Coronavirus wuxuuna dalkiisa u ogolaaday in ay horyaalkooda Premier league sii wataan.

Mannequins fill seats during Dynamo Brest’s clash with FC Shakhter Soligorsk. Photograph: Alexey Komelkov/AP

Intii hore ee ay xaaladu sahlanayd waxay taageerayaasha kooxaha Belarus ay garoomada u soo buuxinayeen sidii caadiga ahayd laakiin markii ay arkeen halista Coronavirus waxaa yaraaday dadkii kulamada ka soo qayb galayay.

Laakiin Kooxda Dynamo Brest ayaa samaysay arin qariib ah kadib markii ay taageerayaasheeda caalamka ka dalbatay in ay tikidhada ka iibsadaan Online-ka isla markaana sawirkooda loo adeegsado in kuraasta madhan ee garoonka lagu buuxiyo iyada oo dusha laga saarayo caagaga laga macmalay suurada bini aadamka ee dharka lagu xayasiiyo.

Kooxda Dynamo Brest  ayaa barteeda witterka soo dhigtay sawirada taageerayaashii kooxdeeda ee tikidhada goostay ee sawiradooda dusha laga saaray caaqga suurada bini aadamka leh kuwaas oo kuraasta la soo dul dhigay iyada oo laga matalayo in ay yihiin taageerayaashii oo ciyaarta daawanaya.

Qoraalka kooxda Dynamo Brest ayaa lagu yidhi “Taageerayaashayada aduunka oo dhan ka kala yimid waxay u muuqdaan in ay faraxsan yihiin Niman yahow waad ku mahadsan tihiin taageeradiina” Arintan ay kooxda Dynamo Brest samaysay ayaa warbaahinta caalamka soo jiidatay.

Fans in the stands with mannequins of virtual ticket holders

Arinta xiisaha badan ayaa ah in sawirada dadka kooxdan tikidhadeeda goostay ee arintan ka qayb qaatay ay ka mid yihiin dad ku nool dalalka UK, Iran,Russia, Isku taga imaaraadka carabta ee UEA, waxaana garamaanta ka soo muuqday ka mid ah garamaan hore oo ay lahaayeen kooxaha Manchester United, Real Madrid, AC Milan iyo Aston Villa waa inta kamarada laga arki karee balse ay ka badan yihiin.