Kooxda DP World Berbera Ayaa Guul Weyn Ku Bilaabatay Wareegii Koowaad Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda DP World Berbera Ayaa Guul Weyn Ku Bilaabatay Wareegii Koowaad Tartanka Sonyo Cup?
Kooxda DP World Berbera Ayaa Guul Weyn Ku Bilaabatay Wareegii Koowaad Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda DP World Berbera Ayaa 3-0 Uga Soo Badisay Kooxda Wasaarada Biyaha Hargeysa Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeysa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

Daqiiqadii 22.aad Ayaa Kooxda Wasaarada Biyaha Hargeysa Iska Dhalisay Gool Xili Difaacooda Suhayb Lucio Badbaadin Ku Jiray Ayey Madax Uga Fakatay Dhanka Goolka.

Qaybta Hore Ayaa Lagu Kala Nastay 1-0 Hogaanka Ciyaarta Hayso Kooxda Dp Wold Berbera Waxaana Loo Gudbay Qaybtii Danbe Ciyaarta.

Daqiiqadii 70.aad Kooxda Dp World Berbera Ayaa Heshay Goolkeeda Labaad Waxaana u Dhaliyey Cabdicasiis Jamo.

Daqiiqadii 81.aad Kooxda Dp World Berbera Ayaa Heshay Goolkeeda Sadexaad Waxaana Mar Kale u Dhaliyey Cabdicasiis Jamo.

Si Kastaba Kulankaasi Ayaa Ku Soo Idlaaday 3-0 Guushu Ku Raacday Kooxda Dp World Berbera Waxaana Kulankaasi Soo Xidhay Wareegii Koowaad Ee Group B Tartanka Sonyo Cup.

13-Rajab-1441 Sabti By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.