Home SONYO CUP

Kooxda Dowlada Hoose Hargeysa Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Dowlada Hoose Hargeysa Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup?
Kooxda Dowlada Hoose Hargeysa Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Dowlada Hoose Hargeysa Ayaa 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Ciidanka Asluubta Hargeysa Xili Uu Si Toos ah u Bilowday Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup Garoonka Weyn Ee Hargeysa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

Daqiiqadii 15.aad Kooxda DHH Ayaa Heshay Goolka Furitaanka Waxaana u Dhaliyey Khadiir Mustafe.

Daqiiqadii 17.aad Kooxda Ciidanka Asluubta Ayaa Heshay Goolka Barbaraha Waxaana u Dhaliyey Xamse Cabdiqaadir.

Daqiiqadii 39.aad Kooxda DHH Ayaa Heshay Goolkeeda Labaad Xili Loo Dhigay Gool Ku Laaga Isla Markaana uu Laagtay Khadiir Mustafe Sidaana Natiijada Kaga Dhigay 2-1.

Qaybta Hore Ayaa Lagu Kala Nastay 2-1 Ay Hogaanka Ciyaarta Hayso Kooxda DHH Waxaana Kulankan Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Cabdicasiis Dheere Waxaana Loo Gudbay Qaybta Danbe Ciyaarta.

Qaybta Danbe Ciyaarta Waxaa Kaadhka Casaanka Ka Qaatay Kooxda Ciidanka Asluubta Xamse Jigjaan Iyo Xamse Saxardiid.

Kulankan Ayaa Waxaa Lagu Xasuusan Doonaa Inuu Ahaa Kulan Labada Kooxood Ay Kala Hogaaminayeen Macalin Iyo Ciyaartoygii Waana Macalin Maxamed Diridhaba Oo Macalin u Soo Noqday Macalin Cabdiriyaad Oo Hada Layliya Kooxda Ciidanka Asluubta.

Si Kastaba Kooxda Dowlada Hoose Hargeysa Ayaa 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Ciidanka Asluubta Hargeysa Xili Uu Si Toos ah u Bilowday Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup Garoonka Weyn Ee Hargeysa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

16-Rajab-1441 Salaasa By Tayo Qaran AL-AhmåDi.