Kooxda Dekedaha Football Club Ayaa Hada Hogaaminaysa Horyaalka Somali Premier League?

Kooxda Dekedaha Football Club Ayaa Hada Hogaaminaysa Horyaalka Somali Premier League?
Kooxda Dekedaha Football Club Ayaa Hada Hogaaminaysa Horyaalka Somali Premier League?

Iyadoo Hada La Soo Gaba Gabayn Doono Wajigii Koowaad Ee Horyaalka Somali Premier League Ayaa Waxaan Halkan Ku Eegi Doonaa Cida Hogaaminaysa Horyaalkan Somali Premier League.

Kooxda Dekedaha Football Club Oo Shalay Ka Soo Badisay Kooxda Raadsan Ayaa Ilaa Hada Hogaaminaysa Horyaalka Somali Premier League Xili Ay Si Weyn u Sugayaan Kulanka Galabta Ee Kooxda Elman La Ciyaari Doonto Kooxda Midnimo.

Kooxda Dekadaha Ayaa Waxaa Hada Hogaanka Horyaalka SPL Ku Hogaaminaysaa 20-Dhicood Xili Ay 3-Dhicood Ka Sarayso Kooxda Elman Oo Hadii Ay Galabta Ka Badiso Kooxda Midnimo Iyadu La Wareegayso Horyaalkan Balse Hadii Barbaro Ama Laga Badiyo Kooxda Elman Oo Kooxda Midnimo Labadaa Mid Hesho Hogaanka Horyaalkan Ay Sii Hayn Doonto Kooxda Dekadaha FC.

Xili Ciyaareedkan Horyaalka Somali Premier League Waxaa Ku Hirdamaya Kooxaha Dekedda, Elman, Horseed Iyo Mogadishu City Club Xili Horyaalku Xili Ciyaareedkan uu Yahay Mid Aad u Xiiso Badan.

Kooxda Dekedaha Football Club Ayaa Hada Hogaaminaysa Horyaalka Somali Premier League?
Kooxda Dekedaha Football Club Ayaa Hada Hogaaminaysa Horyaalka Somali Premier League?

Si Kastaba Kooxda Dekedaha Football Club Ayaa Wareegii Koowaad Ku Soo Xidhatay Guul Weyn Oo Hada Ay Hogaanka u Hayso Balse Si Weyn u Eegi Doonta Kulanka Galabta Iyo Natiijada Ka Soo Baxda Hadii Alle Idhaahdo.

26-Jamadul Thaani-1441 Khamiis By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.