Kooxda Cruz Azul Ayaa La Gudoonsiiyey Koobkii Horyaalka Dalka El Salvador Ka Dib Markii La Hakiyey Horyaalkaasi Sababo La Xidhiidha Xanuunka Coronavirus?

Horyaalka dalka El Salvador oo ka mid ah dalalka South America ayay ka dhacday arrim lama filaan ahi ka dib markii gabi ahaanba xilli ciyaareedkii horyaalkaasi la kansalay iyadoo la go’aansaday in koobka la siiyo kooxdii hoggaanka haysay.

El Salvador, Mexico iyo dalal badan oo ka mid ah dalalka South America ayaa go’aansaday inay gabi ahaanba hakiyaan horyaaladooda sababtoo ah xanuunka Coronavirus oo dunida inta ugu badan saameeyay.

Image result for Cruz Azul

Maalmo kooban ka hor Xidhiidhka kubadda cagta dalkaasi El Salvador ayaa go’aan rasmi ah ku gaadhay in la kansalo horyaalkii socday waxaana ay go’aansadeen in kooxda Cruz Azul oo hoggaanka haysay horyaalka loo gacan geliyo.

Cruz Azul ayaa loo sheegay in horyaalka ay hoggaanka u hayeen ay ku guuleysteen markoodii ugu horreysay mudo 23 sano ah balse kooxdaas ayaa gabi ahaanba diiday inay horyaalka guddoonto.

Cruz Azul ayaa adeegsatay barteeda Twitter-ka waxaana ay si cad u sheegtay inaysan wax xiiso ah ku hayn inay horyaalka qaab noocaas ah u qaadaan balse ay doonayaan inay si cadaan ah oo aan mad-madaw lahayn kooxaha kale uga guuleystaan.

Image result for Cruz Azul

Geesinimada dheeriga ah ee kooxdan lagu amaanay ayaa ah inay jirtay koox lagu magacaabo Once Deportivo oo horyaalka ugu guuleysatay qaabkan oo kale iyaga hortood iyadoo uusan xilli ciyaareedku dhammaan.

Kooxdaasi ayaa Twitter-ka ku tidhi “Waad mahadsantihiin laakiin anagu ma xiisaynayno inaanu Clausura 2020 ugu guuleysano qaabkii Once Deportivo, Ujeedkayagu waa inaanu gaadhno kama dambaysta oo aanu ku guuleysano”.