Home Wararka Maanta

Kooxda Ciyaarsame Akadami Ka Soo Badisay Kooxda Real Stars Sidaana Ku Qaaday Koobkii Dhigooda Ahaa?

Kooxda Ciyaarsame Akadami Ka Soo Badisay Kooxda Real Stars Sidaana Ku Qaaday Koobkii Dhigooda Ahaa?
Kooxda Ciyaarsame Akadami Ka Soo Badisay Kooxda Real Stars Sidaana Ku Qaaday Koobkii Dhigooda Ahaa?

Kooxda Ciyaarsame Akadami Ayaa Gool Ku Laagayaal 2-1 ah Uga Soo Badisay Kooxda Real Stars Sidaana Ku Qaaday Koobkii Kooxaha Heerka Sadexaad Garoonka Laynka Bilayska Degmada 26-June Ee Magaalada Hargeysa.

Isku Darka Labadii Qaybood Ee Ciyaarta Ayaan Wax Goolal ah La Kala Dhalin Kuna Soo Idlaatay Barbaro 0-0 ah Waxaana Loo Gudbay Qaybta Gool Ku Laagyada.

Waxaa Xusid Mudan In Kulankaan uu Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Cabdiraxmaan Atam.

Kooxda Ciyaarsame Akadami Ayaa Ku Hor Martay Gool Ku Laagyada.


1:- Ducaale ‘Cunay”

2:- Abakor “Waa u Dhaliyey”

3:-Shiine “Waa u Dhaliyey”

4:- Mooto “Waa Laga Qabtay”

5:- Shucayb “Waa Laga Qabtay”

Dhinaca Kale Gool Ku Laagyadii Kooxda Real Stars.


1:- Sakariye ‘Waa Laga Qabtay”

2:- Jaamac “Waa Cunay”

3:- Diiniyo “Waa Dhaliyey”

4:- Abshir “Waa Cunay”

5:- Gacan “Waa Laga Qabtay”

Waxaana Sidaasi Gool Ku Laagayaal 2-1 ah Ku Badisay Kooxda Ciyaarsame Akadami Sidaana Ku Qaaday Koobkii Kooxaha Heerka Sadexaad Garoonka Laynka Bilayska Xili Finalka Lagu Qabtay Garoonka Baxsane Ee Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.

Hadii Aynu Eegno Abaal Marinadii Tartankan Iyo Sidii Loo Bixiyey Xagan Hoose Ku Daawo Muuqaalka Warkaasi Oo Faahfaahsan.

28-Shabcaan-1441 Salaasa By Tayo Qaran AL-AhmåDi.