Kooxda Chelsea Macalinkooda Lampard Ayaa Gacanta Loo Galinayaa Lacag Dhan 150-Milyan Si Xagaaga Uu u Soo Xero Galiyo Ciyaartoy Cusub.

Kooxda Chelsea Macalinkooda Lampard Ayaa Gacanta Loo Galinayaa Lacag Dhan 150-Milyan Si Xagaaga Uu u Soo Xero Galiyo Ciyaartoy Cusub.
Kooxda Chelsea Macalinkooda Lampard Ayaa Gacanta Loo Galinayaa Lacag Dhan 150-Milyan Si Xagaaga Uu u Soo Xero Galiyo Ciyaartoy Cusub.

Kooxda Chelsea oo la filanayo inay suuqa xagaagan samayn doonto is xoojin balaadhan ayaa lala xidhiidhinayaa garabka kooxda Ajax ee Hakim Ziyech oo ah xiddig tayo weyn iyo qiimo jaban isku darsaday.

Chelsea ayaa Ziyech dalab ka gudbisay suuqii dhawaa ee January balse wakhtigaas ayay dalabkooda gabi ahaanba soo diiday kooxdiisa Ajax oo aan doonayn inay iska fasaxdo xilli badhtamaha xilli ciyaareedka lagu jiro.

Si kastaba, Ziyech ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu xagaaga soo socda iskaga huleelo Ajax waxaana ay kooxdiisu filanaysaa inuu dalabaad badan heli doono xiddigeeda ku qiimaysan 45-ka Milyan ee pound.

Tababare Lampard ayay ka go’antahay inuu xiddig cusub oo weerarka ah kooxdiisa kusoo daro kaddib markii laga qaaday ganaaxii dhinaca suuqa kala iibsiga ahaa balse ay ku fashilmeen soo xerogalinta xiddigo weerar ah oo uu ugu horreeyay Edinson Cavani.

Blues ayaa la filayaa inay xagaagan suuqa la galaan boorso weyn iyadoo loo saadaalinayo inay lacag 150 Milyan ah kharash garayn doonaan, Dhawr ciyaartoy oo ku jira liiska xiddigaha uu doonayo Lampard ayaa la filayaa inay Stamford Bridge soo gaadhi karaan.

Jadon Sancho ayaa ah xiddig kale oo bar-tilmaameed u ah Chelsea laakiin xiiso uu sidoo kale ka helayo Manchester United iyo Bayern Munich ayaa qasbi kara in ay Borussia Dortmund codsato lacagta 120-ka Milyan ah ee heshiiskiisa lagu jabin karo.