Kooxda Chelsea Ayaa Diyaar u ah Soo Xero Galinta Moussa Dembele Oo Weerarka Uga Ciyaara Kooxda Lyon?

Kooxda Chelsea Ayaa Diyaar u ah Soo Xero Galinta Moussa Dembele Oo Weerarka Uga Ciyaara Kooxda Lyon?
Kooxda Chelsea Ayaa Diyaar u ah Soo Xero Galinta Moussa Dembele Oo Weerarka Uga Ciyaara Kooxda Lyon?

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay dareenkeeda u jeedisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Lyon ee Moussa Dembele ka dib markii ay qiratay in ay Liverpool ku guulaystay saxiixa xiddiga Timo Werner.

23 jirka ayaa lala xidhiidhinayay muddo imaatinka premier League iyada oo todobaadyadii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay kooxaha chelsea iyo Man United.

Wargayska The Athletic Ayaa haatan sheegaya in ay Chelsea bartilmaameed ka dhiganayso xiddiga Dembele kadib markii ay qiratay in ay Liverpool ku guulaysan doonto saxiixa xiddiga RB Leipzig ee Werner.

Frank Lampard ayaa doonayay weeraryahan la tartama xiddiga Tammy Abraham xilli ciyaareedka dambe xilli uu mustaqbalka Olivier Giroud shaki weyn ku jiro ilaa haatan.

Lampard ayaa doortay xiddiga Dembele kaas oo horay uga soo ciyaaray premier League markii uu joogay kooxda Fulham una arka mid wax ku soo kordhin doona kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Dembele ayaa dhaliyay 16 gool 27 kulan oo uu kooxda Lyon u ciyaaray xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.