Kooxda Cawo Iyo Maalin Ayaa La Soo Wareegtay Laba Ciyaartoy Oo Hore Ugu Soo Ciyaaray Kooxda Dekadda?

Kooxda Cawo Iyo Maalin Ayaa La Soo Wareegtay Laba Ciyaartoy Oo Hore Ugu Soo Ciyaaray Kooxda Dekadda?
Kooxda Cawo Iyo Maalin Ayaa La Soo Wareegtay Laba Ciyaartoy Oo Hore Ugu Soo Ciyaaray Kooxda Dekadda?

Kooxda Horseed Ee Lagu Naanayso Cawo Iyo Maalin Ayaa Si Rasmi ah ula Soo Wareegtay Laba Ciyaartoy Oo Mar u Ciyaari Jiray Kooxda Dekadaha.


Labada Ciyaartoy Ee Kooxda Cawo Iyo Maalin La Soo Wareegtay Ayaa Kala ah Cabdikariin Qubaaye Iyo Axmed Xasan Macaani Kuwaasi Kawada Ciyaara Khadka Dhexe.

Image may contain: 1 person, playing a sport, standing and outdoor


Labada Ciyaartoy Ayaa Kooxda Horseed Kulankooda u Horeeya La Ciyaari Doona Ciyaarta Ay Kooxda Cawo Iyo Maalin La Ciyaari Doonto Kooxda Muqdisho City Club Kaasi Oo Dhici Doona 19-Rajab-1441 Waana Maalinta Jimcaha Hadii Alle Idhaahdo.


Hadaba Maxaynu Ka Naqaan Labada Ciayartoy Ee Khadka Dhexe Sida Isku Midka ah Uga Wada Ciyaara Iyo Kooxaha Ay Soo Wada Mareen?


Axmed Xasan Macaani Ayaa Hore Ugu Soo Ciyaaray Dhawr Kooxood Kuwaasi Oo Kala ahaa Saxafi Fc, Elman Fc Iyo Dekadaha Oo Ugu Danbeeyey Lana Qaaday Horyaalka Somali Premier League.


Waxaana Xusid Mudan In Axmed Macaani Hada Ka Yimid Kooxda Elman Fc Xili Uu Ka Dhamaaday Qandaraaskii Uu Kula Joogay Kooxdaasi Hadana Si Rasmi ah Uga Tirsan Kooxda Horseed Waxaanu u Xidhan Doonaa Numberka 29.aad.


Cabdikariin Qubaaye Ayaa Mudo Dheer Ku Sugnaa Kooxda Dekada Isagoo La Soo Qaatay Wakhti Cajiib ah Si Heer Caalami ahna Ugu Ciyaaray Kooxda Dekadaha Intii Uu Ku Sugnaa Waxaanu u Xidhan Doonaa Numberka 28.aad


Labada Ciyaartoy Ayaa Mar Kale Ku Midoobi Doona Khadka Dhexe Isla Hal Koox Waana Kooxda Cawo Iyo Maalin Lagu Naanayso Ee Horseed Waxaana Wareega Labaad Ee Horyaalka Somali Premier League Ugu Dagaalami Doonaan Kooxda Horseed.

13-Rajab-1441 Sabti By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.