Kooxda Carwo Sadaam Ayaa Iska Xaadirisay Maalinta u Danbaysa Koobka La Farax Walaalkaa?

Kooxda Carwo Sadaam Ayaa Iska Xaadirisay Maalinta u Danbaysa Koobka La Farax Walaalkaa?
Kooxda Carwo Sadaam Ayaa Iska Xaadirisay Maalinta u Danbaysa Koobka La Farax Walaalkaa?

Kooxda Carwo Sadaam Ayaa 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Baraka Chai Sidaana Iskaga Xaadirisay Maalinta u Danbaysa Tartanka La Farax Walaalkaa Garoonka Dhalinta Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.

Kooxda Baraka Chai Oo Ku Hormartay Goolka Waxaa u Dhaliyey Axmed Kayse Rambo.

Kooxda Carwo Sadaam Ayaa La Timid Goolka Barbaraha Waxaana u Dhaliyey Sharmaarke Toom.

Si Kastaba Qaybta Hore Ayaa Ku Soo Idlaatay 1-1 Waxaana Kulankaasi Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Yuusuf Yosila Oo u Dhashay Wadanka Yugaandha Waxaana Loo Gudbay Qaybtii Danbe Ciyaarta.

Qaybtii Danbe Kulanka Waxaa Goolka Guusha La Timid Kooxda Carwo Sadaam Waxaana u Dhaliyey Xamse Shulaac Oo Badal Ku Soo Galay Qaybtii Danbe Ciyaarta Xili Goolkaasi Ahaa Nooca Loo Yaqaano Laaga Xorta ah.

Kooxda Aragsan Jet.

Si Kastaba Kooxda Carwo Sadaam Ayaa 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Baraka Chai Sidaana Iskaga Xaadirisay Maalinta u Danbaysa Tartanka La Farax Walaalkaa Waxaana Ay Wada Ciyaari Doonaan Kooxda Aragsan Jet Oo Sugaysay Kulankaasi Kooxda Ka Soo Baxda Garoonka Dhalinta Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.

30-Rajab-1441 Salaasa By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.