Kooxda Carwo Sadaam Ayaa Guul Weyn Ku Bilaabatay Wareegii Labaad Tartanka Xulka Kooxaha?

Kooxda Carwo Sadaam Ayaa Guul Weyn Ku Bilaabatay Wareegii Labaad Tartanka Xulka Kooxaha?

Kooxda Carwo Sadaam Ayaa 3-0 Uga Soo Badisay Kooxda Carwo Dhamays Tartanka Xulka Kooxaha Garoonka Xawaadle Degmada 26-June Ee Magaalada Hargeysa.

Qaybta Hore Ayaa Kooxda Carwo Sadaam Awooday Dhalinta Sadexda Gool Waxaana Labada Gool u Horeeyey u Dhaliyey Cabdikariin Guji, Halka Goolka Sadexaadna u Dhaliyey Caydaruus Cayto.

Qaybta Hore Ayaa Ku Soo Idlaatay 3-0 Xili Kulankan uu Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Yusuf Yosila Oo u Dhashay Wadanka Yugaandha.

Qaybtii Danbe Kooxda Carwo Sadaam Ayaa Samaysay Laba Badal Waxaa La Badalay Cabdiraxmaan Dhago Iyo Shucayb Cumar Laguna Kala Badalay Cabdiraxiin Gabalax Iyo Asad Maxamuud.

Fiiro Gaara:- Hore Waxaan u Iclaaminay In Kulankan uu Dhexdhexaadiye Ka Noqon Doono Faarax Bookh Balse Dhexdhexaadiye Uu Ka Noqday Yusuf Yosila Oo u Dhashay Wadanka Yugaandha.

Si Kastaba Kooxda Carwo Sadaam Ayaa 3-0 Uga Soo Badisay Kooxda Carwo Dhamays Tartanka Xulka Kooxaha Garoonka Xawaadle Degmada 26-June Ee Magaalada Hargeysa.

28-Muxaram-1442 Arbaca By Tayo Qaran AL-AhmaDi.