Kooxda Carwo Sadaam Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Sadexaad Tartanka La Farax Walaalkaa?

Kooxda Carwo Sadaam Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Sadexaad Tartanka La Farax Walaalkaa?
Kooxda Carwo Sadaam Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Sadexaad Tartanka La Farax Walaalkaa?

Kooxda Carwo Sadaam Ayaa 3-2 Uga Soo Badisay Kooxda Horyaal Xili Uu Si Toos ah u Bilowday Wareegii Sadexaad Tartanka La Farax Walaalkaa Garoonka Dhalinta Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.

Qaybta Hore Ayaan Wax Goolal ah La Kala Dhashan Waxaana 25-Daqiiqo Hore Ku Soo Idlaadeen Barbaro 0-0 ah Iyadoo Loo Gudbay Qaybtii Danbe Ciyaarta.

Daqiiqadii 34.aad Kooxda Carwo Sadaam Ayaa Heshay Goolka Furitaanka Waxaana u Dhaliyey Xamse Shulaac.

Daqiiqadii 37.aad Kooxda Horyaal Ayaa Keensatay Goolka Barbaraha Waxaana u Dhaliyey Axmed Gaacuuro Oo Badal Ku Soo Galay Ciyaarta Daqiiqadii 33.aad Qaybtii Danbe Ciyaarta.

Daqiiqadii 39.aad Kooxda Carwo Sadaam Ayaa Heshay Goolkeeda Labaad Waxaana Kooxda Horyaal Iska Dhalisay Goolkaasi.

Daqiiqadii 44.aad Kooxda Horyaal Ayaa Heshay Mar Kale Goolka Barbaraha Waxaana Mar Kale u Dhaliyey Axmed Gaacuuro.

Daqiiqadii 59.aad Wakhtigii Dheeriga Ahaana Kooxda Carwo Sadaam Ayaa Heshay Goolka Sadexaad Waxaana u Dhaliyey Badri Sacuudi Waxaa Kulankan Galabta Dhex Dhexaadiye Ka Ahaa Yuusuf Yosila.

Si Kastaba Kooxda Carwo Sadaam Ayaa 3-2 Uga Soo Badisay Kooxda Horyaal Xili Uu Si Toos ah u Bilowday Wareegii Sadexaad Tartanka La Farax Walaalkaa Garoonka Dhalinta Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.

22-Jamadul Thaani-1441 Axad By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.