Kooxda Borussia Dortmund Ayaa Shaacisay In Marco Reus Waligii Ku Biiri Doonin Kooxda Bayern Munich?

Kooxda Borussia Dortmund Ayaa Shaacisay In Marco Reus Waligii Ku Biiri Doonin Kooxda Bayern Munich?
Kooxda Borussia Dortmund Ayaa Shaacisay In Marco Reus Waligii Ku Biiri Doonin Kooxda Bayern Munich?

Kooxda Borussia Dortmund ayaa Sheegtay in Marco Reus inuusan waligii dooneynin inuu ku biiro Kooxda Bayern Munich.

Dhamaadka guulaha cajiibka ah ee Dortmund intii uu macalin Jurgen Klopp ka ahaa waa xilli ciyaareed dib u soo celiyay horyaallada Bundesliga xilli ciyaareedkii 2010-11 iyo 2011-12 Mario Gotze, Robert Lewandowski iyo Mats Hummels ayaa dhamaantood ku bedelay Signal Iduna Park kooxda Allianz Arena.

Reus oo BVB uga soo biiray kooxda Borussia Monchengladbach sanadkii 2012 ayaa sidoo kale bartilmaamed u ahaa Bayern laakiin wareysi uu siiyay Sport Bild wuxuu ku sheegay in qalbigiisa marwalba uu la joogo koox uu haatan ku faano kabtanimada kooxda.

‚ÄúCodsigu wuxuu yimid sidii ay ahayd kooxaha kale. Waxaan ixtiraam weyn u hayaa Bayern Munich iyo waxa ay kooxda sameynayeen sannado badan, Laakiin marwalba waxaan doonayay inaan u ciyaaro BVB Waxay ahayd markasta kooxda ay qalbigeygu ii jiito” ayuu yidhi.

Thomas Muller ayaa qalinka ugu duugay heshiis gaadhaya ilaa 2023 kooxda isbuucaan isagoo u dhigma shuruudaha uu 30 jirka kale Reus ku leeyahay Dortmund.

“Waxaan qabaa inay sidoo kale muhiim u tahay taageerayaasha inay jiraan niman sida Thomas iyo aniga ah Waxay ogaadaan inaan kala aqoonsanno kooxdooda inta ugu badan ee ay iyagu naftooda sameeyaan” ayuu yidhi.

“Halkaan waxaan ku heystaa wax walba oo aan ku faraxsanahay gurigeyga, qoyskeyga, naadigeyga, Oo dareenkan marwalba wuu badiyaa xitaa haddii waddan kale oo dhaqan ka duwan laga yaabo inuu soo jiidasho lahaa.”