Kooxda Barcelona Oo Soo Qabatay Kooxda Real Madird, Messi Oo Noqday Madaxa Caawinta Goolasha Iyo Angel Rodriguez Oo Dhaliyey Goolka Qudha Ee Kooxda Getafe?

Kooxda Barcelona Oo Soo Qabatay Kooxda Real Madird, Messi Oo Noqday Madaxa Caawinta Goolasha Iyo Angel Rodriguez Oo Dhaliyey Goolka Qudha Ee Kooxda Getafe?
Kooxda Barcelona Oo Soo Qabatay Kooxda Real Madird, Messi Oo Noqday Madaxa Caawinta Goolasha Iyo Angel Rodriguez Oo Dhaliyey Goolka Qudha Ee Kooxda Getafe?

Barcelona ayaa gurigeeda ku garaacday kooxda Madrid ka dhisan ee Getafe oo ay 2-1 kaga badiyeen iyagoo soo qabtay kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid oo ay 52 dhibcood wadaagaan in kastoo Los Blancos ay Maanta Ciyaari doonto Celta Vigo.

Lionel Messi ayaa isku bedelay boqorka caawinta isagoo caawin kale sameeyay kulankii caawa iyadoo Antoine Griezmann iyo Sergi Roberto ay shabaqa u soo taabteen Barcelona halka Angel Rodriguez oo Barcelona lala xiriirinayo uu dhaliyay goolka qudha ee Getafe oo ku jirta kaalinta 3aad ee horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa si fiican ku bilaabatay ciyaarta iyadoo Lionel Messi uu fursad qaali ah qasaariyay bilowgii ciyaarta laakiin Getafe ayaa shabaqa soo taabatay daqiiqadii 23aad markii uu Ter Stegen soo bixiyay kubad madax aheyd oo ka timid Molina laakiin waxaa shabaqa si sahlan ugu taabtay Nyom.

VAR ayaase diiday goolka madaama Nyom uu qalad ku soo galay Samuel Umtiti ka hor inta uusan goolka dhalinin. Inkastoo Barcelona ay neef ka fuqday hadana waxaa dhabarjab xoogan ku aheyd inuu dhaawac uga baxay Jordi Alba oo uu bedelay Junior Firpo.

10 daqiiqo ka dib Barcelona ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta markii uu Lionel Messi sameeyay mid ka mid ah baasaskii ugu quruxda badnaa isagoo kubad qurxoon ka dhex bixiyay lugaha mid ka mid ah daafacyada Getafe taasoo fursad u siiyay Antoine Griezmann inuu kubada ka dulqaado goolhayaha, Waa goolkii sideedaad ee weeraryahanka Faransiiska uu xilli ciyaareedkan ka dhaliyo horyaalka La Liga.

Daqiiqadii 40aad Barcelona ayaa hogaanka sii dheereysatay iyagoo dhaliyay goolkoodii labaad, markii Firpo uu karoos fiican ka soo dhigay garabka bidix, waxaana shabaqa ku taabtay Sergi Roberto.

Labadaasi gool ayaa lagu kala nastay qeybtii hore iyadoo jamaahiirta Camp Nou ay ku qanceen qaab ciyaareedkii kooxdooda.

Getafe oo aan shar yareyn ayaa gool soo ceshatay daqiiqadii 67aad markii uu Angel Rodriguez shabaqa ku laabay karoos fiican oo loo soo qaaday. Angel ayaa ka mid ah xiddigaha lala xiriirinayay Barcelona.

Ansu Fati ayaa ka dib fursad gool loo fishay laga badbaadiyay, halka goolhaye Marc ter-Stegen uu wacdarro dhigay markii uu kubad gool inay gashay la mooday inuu xariiqday goolka ka badbaadiyay isagoo seddex badbaadin oo isku xigta sameeyay.

Antoine Griezmann ayaa isna helay fursado waa weyn oo uu qasaariyay oo ay ka mid aheyd inuu kubad dusha sarre mariyay iyadoo shabaqa uu faaruq yahay.

Ciyaarta waxa ay ku soo dhamaatay Barcelona oo 2-1 ku badisay iyadoo Blaugrana ay kaalinta labaad ku jirto balse ay farqiga goolasha kaliya uga danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Los Blancos oo berri la ciyaareysa Celta Vigo, halka Getafe ay ku jirto kaalinta 3aad iyagoo 10 dhibcood ka danbeeya Barcelona iyo Real Madrid.