Kooxda Barcelona Oo Shaacisay Inay Maalmaha Soo Socda La Soo Wareegi Doonto Ciyaartoy Leganes Ka Tirsan?

Kooxda Barcelona Oo Shaacisay Inay Maalmaha Soo Socda La Soo Wareegi Doonto Ciyaartoy Leganes Ka Tirsan?
Kooxda Barcelona Oo Shaacisay Inay Maalmaha Soo Socda La Soo Wareegi Doonto Ciyaartoy Leganes Ka Tirsan?

Kooxda Barcelona ayaa lagu wadaa iney maalmaha soo socda sameyso saxiixa xiddiga ay badalka uga dhigeyso Ousmane Dembele oo dhaawac muddo dheer ah galay, balse xiddig ka tirsan Leganes ayaaba durba xaqiijiyay xiddiga ay la soo saxiixanayaan.

Dhawaan ayey aheyd markii Balaugrana laga soo aqbalay codsigii ay u gudbiyeen maamulka La Liga kaas oo ahaa in loo fasaxo iney lasoo saxiixdaan badalka Dembele, waxaana la hadal hayay iney u dhaw yahiin saxiixa xiddiga Leganes ka tirsan ee Martin Braithwaite.

Shaki walba oo ka jiray arinta xiddigaan waxaa soo afjaray saaxiibkiisa kooxda Kenneth Omeruo kaas oo baraha bulshada ku xaqiijiyay in xiddiga uu u wareegayo Barcelona.

“Hambalyo walaal, waan kuu xiisi doonaa” ayuu baraha bulshada kusoo qoray Omeuo oo soo dhigay sawir uu Martin Braithwaite xiran yahay maaliyadda Barcelona.

Sawirka waxaa lasoo dhigay bogga 433 ee laga leeyahay Denmark, waana sawir lagu qurxiyay aaladda sawirada lagu qurxiyo taasoo hordhac u ah wajiga xiga ee xiddiga reer Denmark.

Waxaa la aaminsan yahay in Barcelona loo sheegay bixinta lacagaha lagu jabin karo xiddigaan oo gaaraya 18 Malyan oo Yuuro.