Kooxda Barcelona Badalkii Luis Suarez Waxay Ka Dhex Aragtay Nin Amaah Ku Jooga Kooxda Zaragoza.

Kooxda Barcelona Badalkii Luis Suarez Waxay Ka Dhex Aragtay Nin Amaah Ku Jooga Kooxda Zaragoza.
Kooxda Barcelona Badalkii Luis Suarez Waxay Ka Dhex Aragtay Nin Amaah Ku Jooga Kooxda Zaragoza.

Kooxda Barcelona ayaa ugaadhsi ugu jirta weeraryahan ay ku bedesho Luis Suarez oo haatan dhaawac ku maqan ka dib qaliin looga sameeyay jilibka bishii Jan.

Inkastoo suuqa kala iibsiga Jan uu xidhmay, Barcelona ayaa loo ogol yahay inay hal ciyaaryahan la soo wareegto madaama uu dhaawac soo gaadhay Ousmane Dembele kaas oo qaliin maraya salaasada islamarkaana garoomada ka maqnaan doona muddo shan bilood ah.

Gudiga caafimaadka ee xiriirka kubada cagta Spain ayaa go’aanka ugu danbeeya ka gaadhi doona haddii ay aqbali doonaan ama diidi doonaan codsiga kooxda.

Sida uu sheegay joornaaliistaha Santi Ovalle ee barnaamijka idaacada Spain ka baxa ee El Larguero, kooxda Catalans ayaa isha la raaceyso xiddig kale oo lagu magacaabo Luis Suarez si ay ugu bedelaan weeraryahankooda reer Uruguay ee ay isku magaca yihiin.

Image result for Luis Suarez

22 jirka Luis Suarez ayaa u ciyaara kooxda Real Zaragoza ee ka dheesha horyaalka heerka labaad ee Spain, Suarez waxa uu dhaliyay 14 gool 24 kulan uu saftay xilli ciyaareedkan taasoo ka dhigeysa in Zaragoza ay haatan u dagaalameyso inay ku soo laabato La Liga.

Waxay haatan ku jiraan kaalinta seddexaad iyagoo lix dhibcood ka danbeeya kooxda hogaamineysa horyaalka ee Cadiz laakiin kulan ayaa u harsan.

Sida lagu sheegay warbixinta El Larguero, wakiilada ciyaaryahanka ayaa xaqiijiyay inay la soo xiriirtay Barcelona inkastoo ay u sharxeen in heshiiska uu adkaan karo madaama Suarez uu amaah ugu joogo Zaragoza oo ay milkiyadiisa iska leedahay kooxda Premier League ka ciyaarta ee Watford.

Magac kale oo lala xiriiriyay Camp Nou isbuucaan waa weeraryahanka kooxda Alaves Lucas Perez halka weeraryahanka Girona ee reer Uruguay Cristhian Stuani uu u muuqdo mid dalabkiisa laga baxay.