Kooxda Barcelona Ayaa War Ka Soo Saartay Laacibkooda Ousmane Demebele?

Kooxda Barcelona Ayaa War Ka Soo Saartay Laacibkooda Ousmane Demebele?
Kooxda Barcelona Ayaa Meel Ka Ishaaratay Badalkii Ousmane Dembele Hadaba Waa Kuma?

Kooxda Barcelona ayaa warbixin caafimaad oo rasmi ah ka soo saartay qaliinkii uu maanta maray xidiga kooxdeeda ku dhibtoonaya ee Ousmane Demebele kaas oo la kulmay xaalad kale oo waayaheeda cusub leh.Advertisements

Ousmane Dembele waxa uu la kulmay warkii ugu xumaa iyada oo si rasmi ah loo shaaciyay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo aad u dheer taas oo Barcelona iyo xulka qaranka France dhibaato wayn ku abuuraysa.

Ousmane Demebele ayaa Barcelona ku soo dhibtoonayay tan iyo sanadkii 2017 kii markaas oo uu Borussia Dortmund si xun kaga soo baxay wuxuuna maray qaliinkii labaad intii Camp Nou joogay.

Inkasta oo la sii ogaa in dhaawaca uu qaliinka u maray Ousmane Demebele uu yahay mid uu waqti badan la maqnaan doono, haddana markii ay Barca si rasmi ah hadda ugu dhawaaqday muddada uu garoomada seegi doono ayaa walaac cusub sii abuurtay.

Sida warbixinta caafimaad ee Barcelona ka soo saartay Ousmane Demebele lagu xaqiijiyay waxa uu xidiga reer France garoomada ka maqnaan doonaa muddo 6 bilood ah taas oo si rasmi ah u xaqiijinaysa in aanu mar kale kubbad taaban doonin xili ciyaareedkan.

Waxaa sidoo kale war xun la kulmay xulka qaranka France oo Euro 2020 ciyaari doona iyada oo Ousmane Demebele la filayo in uu xataa seegi doono tartanka qaramada Yurub maadaama oo lix bilood ka hor loo baahan inta ayna dhamaan loo baahan yahay in ay ciyaartoydu diyaar sii ahaadaan.

Ousmane Dembele waxa uu la soo kulmay saddex dhaawac oo uu garoomada kaga maqnaa inta ugu badan waayihiisii ciyaareed ee Barcelona iyada oo kulankii ugu danbeeyay ee uu ciyaaray ahaa November 27,2019 markaas oo ay Barca la ciyaaraysay kooxdiisii hore ee Dortmund.

Tababaraha xulka qaranka France ayaa sidoo kale aad u necbaysan doona warka ka soo baxay qaliinkii maanta ee Ousmane Dembele iyada oo uu haddaba raadsan doono cida uu booskiisa Euro 2020 ku badalan doono.

Barcelona waxay haysataa fursad ay kula soo saxiixan karto ciyaartoy kale maadaama oo sharciga FIFA uu kooxaha u ogolaado in ay ciyaartoy la soo wareegi karaan suuqa oo xidhan haddii ay ciyaartoy muhiim ahi waqti dheer ka dhaawacmaan.

Laakiin murugada soo gaadhay kooxda Barcelona iyo xulka qaranka France waxaa ka badan murugada soo foodsaartay Ousmane Dembele kaas oo hadda heer kale oo xun ku maraya waayihiisii ciyaareed ee Camp Nou.