Kooxda Barcelona Ayaa Meel Ka Ishaaratay Badalkii Ousmane Dembele Hadaba Waa Kuma?

Kooxda Barcelona Ayaa Meel Ka Ishaaratay Badalkii Ousmane Dembele Hadaba Waa Kuma?
Kooxda Barcelona Ayaa Meel Ka Ishaaratay Badalkii Ousmane Dembele Hadaba Waa Kuma?

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa iney badalka Ousmane Dembele ka heshay horyaalka La Liga, waxeyna heshay fasaxa ay xiddig kale kusoo iibsan karto maadaama ay warqadaha dhaawaca xiddiga reer France u gudbisay maamulka horyaalka La Liga.

Sida ay sheegayaan warbixinada laga helay Catalonia, waxaa gobolka ku sugan Ali Dursun oo ah wakiilka weeraryahanka Leganes (Martin Braithwaite) kaas oo ah xiddiga ay u doorteen inuu Camp Nou soo gaadho.

Warbixin lagu baahiyay Mundo Deportivo maalintii isniinta ayaa lagu sheegay in wakiilka uu joogo Catalonia ka hor inta aysan warka banaanka soo dhigin idaacadda RAC1.

Dursun horay ayuu ula shaqeeyay kooxda Barcelona maadaama uu yahay wakiilka Frenkie de Jong kaas oo xagaagii laga soo gudbay kusoo biiray kooxda ka dhisan Camp Nou.

Kooxda Balaugrana waxey heysataa 15 maalmood oo ay xiddig kula soo saxiixato, balse waxaa ka go’an iney ka shaqeeyaan arintaan iyagoo kaashanaya Quique Setien.

Leganes ayaa dooneysa iney 28-jirkooda ku hesho 20 Malyan oo Yuuro, kaliya xiddigaan maahan kan diirada u saaran, sidoo kale Angel Rodriguez ayaa ku jira dooqyada Barcelona.