Kooxda Barcelona Ayaa Hada Si KMG Ah u Haysa Hogaanka Horyaalka La Liga Ka Dib Markii Ay Guul Weyn Ka Gaadhay Kooxda Eibar?

Kooxda Barcelona Ayaa Hada Si KMG Ah u Haysa Hogaanka Horyaalka La Liga Ka Dib Markii Ay Guul Weyn Ka Gaadhay Kooxda Eibar?
Kooxda Barcelona Ayaa Hada Si KMG Ah u Haysa Hogaanka Horyaalka La Liga Ka Dib Markii Ay Guul Weyn Ka Gaadhay Kooxda Eibar?

Kooxda Barcelona ayaa ugu yaraan si ku meel gaar ah u la wareegtay hogaanka horyaalka La Liga ka dib markii ay 5-0 ku xasuuqeen kooxda kaalimaha hoose ee Eibar.

Lionel Messi ayaa seddexleey ku dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta weliba 26 daqiiqo gudaheed halka uu gool afaraad ku darsaday qeybtii labaad iyadoo Arthur Melo uu shan gool ka dhigay  taasoo Blaugrana ka caawisay inay dib ugu soo laabtaan hogaanka La Liga iyagoo labo dhibcood ka sareeya Real Madrid oo caawa marti u ah Levante.

Weeraryahanka reer Argentina Lionel Messi ayaa ka baxay abaartii goolasha ee ka heysatay horyaalka La Liga isagoo aan wax gool ah dhalinin afartii kulan ee ugu danbeysay.

Laakiin kulankii maanta ee Camp Nou waxa uu seddexleey ku dhaliyay 26 daqiiqo gudaheed ee qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo goolkii hore uu dhaliyay daqiiqadii 14aad markii uu baas ka helay Ivan Rakitic laakiin mucjisada reer Argentina ayaa farsamo la dhexmaray daafacyada Eibar isagoo xitaa tuundheer ka saaray mid ka mid ah xiddigaha kooxda Eibar ka hor inta uusan shabaqa soo taabanin.

Goolkiisii labaad ayaa yimid daqiiqadii 37aad markii uu caawin ka helay Arturo Vidal halka uu seddexleydiisa dhameystirtay daqiiqadii 40aad markii uu damcay inuu gool siiyo Griezmann laakiin weeraryahanka Faransiiska ayaa iska qasaariyay fursadiisa iyadoo kubada ay u soo laabatay Messi oo shabaqa ku hubsaday.

Seddexleyda uu Lionel Messi dhaliyay ayaa la micno ah inay tahay seddexleydiisii 48aad ee uu kooox u dhaliyo isagoo ka sarre maray Cristiano Ronaldo oo seddexleydiisa kooxeed ay tahay 47.

Barcelona ayaa qeybtii labaad cadaadiska ku sii heysay kooxda kaalinta 16aad ee Eibar iyadoo markii ay ciyaarta ka harsaneyd 20 daqiiqo uu tababare Quique Setien uu bedel ku soo geliyay saxiixa cusub Braithwaite kaasoo ciyaaray kulankiisii ugu horeysay ee Barcelona.

Dhowr jeer kale ayay Barcelona shabaqa soo taabatay qeybtii labaad laakiin goolasha waxaa loo diiday inay offside ahaayeen taasoo aheyd go’aan sax ah.

Lionel Messi ayaa goolkiisii afaraad helay daqiiqadii 87aad markii uu baas ka helay saxiixa cusub Martin Braithwaite iyadoo xiddiga reer Argentina uu dhowr ilbiriqsi goolhayaha dhulka ku jiiday ka hor inta uusan shabaqa soo taabanin. Waa markii lixaad oo uu Lionel Messi hal kulan afar gool ka dhaliyo.

Waa goolashiisii 18aad ee uu ka dhaliyo horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, sidoo kale waa goolkiisii 20aad ee uu ka dhaliyo kooxda Eibar horyaalka La Liga.

Lionel Messi ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee 1002 gool ka noqda dhaliye iyo caawiye 853 kulan uu u saftay kooxdiisa iyo wadankiisa.

Martin Braithwaite ayaa kulankiisii ugu horeysay ee Barcelona waxa uu sameeyay labo caawin isagoo daqiiqadii 89aad kubad kale u dhigay Arthur Melo oo ciyaarta dilay islaamrkaana dhaliyay goolkii shanaad.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay Barcelona oo 5-0 ku dardartay Eibar iyagoo haatan horyaalka ku hogaaminaya 55 dhibcood halka Real Madrid oo caawa la ciyaareysa Levante ay leedahay 53 dhibcood.