Kooxda Barcelona Ayaa Badalkii Ousmane Dembele Ka Dhex Aragtay Weeraryahan Nafta u Keenay Kooxda Real Madrid.

Kooxda Barcelona Ayaa Badalkii Ousmane Dembele Ka Dhex Aragtay Weeraryahan Nafta u Keenay Kooxda Real Madrid.
Kooxda Barcelona Ayaa Meel Ka Ishaaratay Badalkii Ousmane Dembele Hadaba Waa Kuma?

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa loo sheegay qiimaha ay ku heli karyaan gool-dhaliye tayo sare leh oo toddobaad ka hor qalbi-jab ku riday Real Madrid oo uu ka reebay tartanka Copa del Rey.

Barcelona ayaa mashaqo hor leh ku furantay markii uu dhaawacmay Luis Suarez oo aan gebi ahaanba xili ciyaareedkan kusoo laaban doonin, laakiin waxa uu qalbigu sii jabay markii ay shalay soo baxday warbixinta caafimaad ee qalliin lagu sameeyey Ousmane Dembele oo dhaawac uu kasoo laabtay dib ugu noqday.

Dembele ayaa muddo lix bilood ah aan kusoo laaban doonin garoomada, waxaanay miiska daaweynta waqti badan ku wada qaadan doonaan Luis Suarez oo ahaa dhaliyaha culayska ka furan jiray Lionel Messi, waxaanay taasi keentay in ciyaaryahanno yaraan afka hore ahi ay soo food-saarto kooxda.

Arrintan ayaa waxay keentay in Barcelona ay suuqa u gasho ciyaartoy weerar ah oo inkasta oo uu suuqu xidhan yahay haddana qaab farsamaysan ugu soo wareegi kara bishan gudaheeda.

Angel Rodriguez (L), Ousmane Dembele (C) and Willian Jose (R)

Weeraryahanka reer Brazil ee Real Sociedad ee Willian Jose oo qayb ka ahaa xiddigihii adhaxda ka jabiyey Real Madrid ee 4-3 kaga reebay tartanka Copa del Rey ayay Barcelona bartilmaameed ka dhigatay kaddib markii ay bishii January ku fashilmeen weeraryahanka Valencia ee Rodrigo Moreno.

Barcelona ayaa u bandhigtay Real Sociedad 23 milyan oo Euro oo ay kaga doonayso Willian Jose oo sidoo kale ay xiisaynayaan kooxaha Manchester United, Tottenham, Newcastle iyo West Ham, laakiin madaweyne Josep Bartomeu ayaa waxa uu helay xaqiiqada qiimaha saxda ah ee xiddigan oo ah 35 milyan oo Euro.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona waxay haysataa saddex ciyaartoy oo kaliya oo ka dheeli kara afka hore, waana Antoine Griezmann oo aan wali si buuxda ula qabsanin qaab-ciyaareedka kooxda, Ansu Fati oo ah 17 jir xili ciyaareedkan la kowsaday kooxda koowaad iyo Lionel Messi, waxaana adkaan doonta inay helaan beddelkiisa haddii uu mid kale ku biiro liiska dhaawacyada.