Kooxda AS Furiani Agliani Ayaa Xaqiijisay Geerida Jordan Diakiese Oo Ka Tirsanaa Da’yarka Paris Saint-Germain?

Kooxda AS Furiani Agliani Ayaa Xaqiijisay Geerida Jordan Diakiese Oo Ka Tirsanaa Da’yarka Paris Saint-Germain?
Kooxda AS Furiani Agliani Ayaa Xaqiijisay Geerida Jordan Diakiese Oo Ka Tirsanaa Da'yarka Paris Saint-Germain?

Da’yar hore uga tirsanaa kooxda reer Faransiis ee Paris Saint-Germain laguna magacaabayay Jordan Diakiese ayaa haatan la soo sheegayaa geeridiisa sida ay xaqiijisay kooxdii uu wakhti xaadirkan ka tirsanaa ee AS Furiani Agliani oo ka ciyaarta horyaalada hoose ee Faransiiska.

Kooxdiisii AS Furiani Agliani oo warbixin ka soo saartay dhimashada Diakiese ayaa ku sifaysay inuu ahaa da’yar jacayl iyo muxibo badan isla markaana markasta dhoolacaddaynaya.

AS Furiani Agliani ayaa intaas ku dartay in geerida Jordan Diakiese ay si xun u taabatay xiddigaha iyo dhammaan shaqaalaha kala duwan ee kooxdaas isla markaana ay la tiiraanyaysan yihiin qoyskiisa.

Jordan Diakiese oo 24 sano jir ahaa ayaa la aaminsan yahay inuu shalay oo Khamiis ahayd galinkii dambe ku geeriyooday caasimada France ee Paris.

Arrinta kale ee la shaaciyay ayaa ah inaan ilaa haatan la ogayn waxa sababay inuu geeriyoodo Jordan Diakiese balse geeridiisa oo kaliya la xaqiijiyay.

Shaqsiyaadka iyo kooxaha kala duwan ayaa diray tacsidooda isla markii ay kooxdiisa AS Furiani Agliani barta Instagram ku shaacisay geerida 24 sano jirkan.

Kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain ayaa barteedaasi soo dhigtay sawir isaga oo kooxdooda matalaya ah iyaga oo soo raaciyay qoraal ah “Waligayo kuma ilaawi doono, Jordan”

Diakiese ayaa kasoo baxay akaademiga PSG kahor intii uusan sanadkii 2012 ku biirin kooxda B-da ah ee kooxdaas balse waxa ugu dambayn kooxda laga fasaxay sanadkii 2015.