Kooxda Arsenal Ayaa Wada Qorshe Ay Ku Xalin Doonto Dhibaatooyinka Ka Haysta Dhanka Difaaca Kooxda Oo Marmar Khashifmay?

Kooxda Arsenal Ayaa Wada Qorshe Ay Ku Xalin Doonto Dhibaatooyinka Ka Haysta Dhanka Difaaca Kooxda Oo Marmar Khashifmay?

Arsenal ayaa doonaysa in ay daafaceeda ku xoojiso daafaca kooxda Bayern Munich ee Jerome Boateng kaas oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga qaab amaah ah sida ay sheegayaan wararku.

Mikel Arteta ayaa doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa kaas oo kaliya 4 kulan shabaqa ilaashaday horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Jerome Boateng oo 31 jir ah ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu ku soo biiro Arsenal kadib markii uu ka baxay qorshaha kooxda Arsenal ee xilli ciyaareedkan.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu Arteta damacsan yahay in uu bishan kooxdiisa Amaah ku keeno xiddiga daafaca Jerome Boateng ka hor inta uuna xagaaga dalab 50 milyan ah kula soo saxiixan xiddiga kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano si ay ugu xoojiyaan xiddiga daafaca xilli ciyaareedka dambe.

Arteta ayaa doonaya in uu daafaciisa xilli ciyaareedka dambe ku mideeyo xiddigaha Dayot Upamecano & William Saliba kaas oo kooxda haatan amaah uga maqan lana jooga kooxda Saint Etienne.