Kooxda Arsenal Ayaa Ku Soo Laabatay Tababarka Mudo 47-Maalmood Ka Dib Hakadkii Ku Dhacay Ciyaaraha Xanuunka Coronavirus Dartiis?

Ciyaartoyda kooxda Arsenal ayaa maanta kusoo laabtay tababarka 47 maalmood oo ay xayiraad ugu jireen xanuunka Coronavirus kaddib.

Laacibiinta Arsenal ayaa maanta iska xaadiriyey xarunta tababarka ee London Colney ee ku taalla xaafadda Hertfordshire, waxaana muuqaallo laga qaaday ciyaaryahannada David Luiz, Emiliano Martinez iyo kuwo kale oo sii gelaya xarunta tabababarka.

Arsenal players arrive at training ground as first club return from coronavirus lockdown

Kooxda tababare Arteta ayaa u shaqayn doonta qaybo muddo shan saacadood ah, waxaanay samayn doonaan orod iyo jimicsiyo jidhka ah maadaama ay adag tahay in ay sameeyaan kubbad ciyaaris oo ay tahay inay u hoggaansamaan awaamiirta dhakhaatiirta ee ilaalinta kala fogaanshaha bulshada si loo yareeyo halista faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Xarunta guud ee Arsenal ee Hertfordshire ayaa si adag u ilaalin doonta shuruucdan, waxaanay ciyaartoygooda u samayeeyeen meelo calaamadsan oo aanay isku dhaafin.

Arsenal players arrive at training ground as first club return from coronavirus lockdown

Ilo kooxda gudaheeda ah ayaa warbaahinta u sheegay in toddobaadyadii ugu dambeeyey ay kooxdu ku hawlanayd sidii ay u diyaarin lahayd xarunta tababarka, maadaama ay Gunners ciyaartoygeedu ka fasax badnaayeen laacibiinta kale ee Premier League oo iyaga karantiil la geliyey markii ay soo baxday in Madaxweynaha kooxda Olympiakos oo ay la dheeleen Europa League uu qabay xanuunkan, inyar kaddibna laga helay tababare Mikel Arteta.

“Waxaanu usbuucyo ka shaqaynaynay sidii aanu u furi lahayn garoon tababar ah hadda, sababtoo ah ciiyaartoygu waxay xayiraad ku jireen in ka badan kooxaha kale. Waxaanu sii wadi doonaa inaanu u tababarano si gooni-gooni ah ama aanu garoonka kala soocno, lamana ogolaan doono inay isasoo-dhexgalaan amaba meel la iskugu keeno.” Ayay ilo-wareeryadani u sheegeen warbaahinta.

Arsenal players arrive at training ground as first club return from coronavirus lockdown

Inta badan 25-ka ciyaartoy ee kooxda koowaad ayaa yimid tababarka maanta oo ka faa’iidaystay, waxaanay maalin walba samayn doonaan iyaga oo loo qaybinyo min shan ciyaartoy ilaa hal saac oo jimicsiyo ay bixinayaan tababareyaasha jidh-dhisku.