Kooxda Arsenal Ayaa Dhamaystiri Doonta Saxeexa Difaac Ka Tirsan Kooxda Flamengo?

Kooxda Arsenal Ayaa Dhamaystiri Doonta Saxeexa Difaac Ka Tirsan Kooxda Flamengo?
Kooxda Arsenal Ayaa Dhamaystiri Doonta Saxeexa Difaac Ka Tirsan Kooxda Flamengo?

Kooxda reer London ee Arsenal ayaa aad ugu dhaw inay dhammaystirto saxeexa daafaca kooxda Flamengo ee Pablo Mari si ay ugu soo xoojiyaan dookhyada tababare Mikel Arteta ee daafaca dhexe.

Gunners ayaa doonaya inay iska soo xoojiyaan daafaca kaddib markii ay dhaawac ku waayeen Calum Chambers inta xilli ciyaareedka ka dhiman sidoo kalena ay xiddigaha kala ah Mustafi, David Luiz iyo Sokratis wali dhibtoonayaan.

Mari ayaa xilli ciyaareedkii hore uun ka baxay Manchester City oo uu ka tirsanaa isaga oo Flamengo wakhtigaas ugu biiray heshiis dhan 1 Milyan.

Daafacan ayaa la sheegayaa inuu shalay oo Jimce ahayd u safray magaalada London xilli ay wargeysyada ESPN iyo GlobeEsporte xusayaan inuu tijaabada caafimaadka u marayo Arsenal kaddib wada xaajood labada kooxood dhex maray.

Mari ayaa qaab ciyaareed heer sarre ah kusoo muujiyay Flamengo kaddib markii uu hore ugu fashilmay inuu isku muujiyo kooxda tababare Pep Guardiola ee Manchester City.

Pablo Mari ayaa kamid ahaa xiddigaha gacanta weyn ka geystay in Flamengo ay kusoo guuleysatay koobabka Serie A iyo Copa Libertadores isagoo sidoo kale kasoo muuqday Final-kii Koobka kooxaha Aduunka ee ay Liverpool uga guuleysatay.

Waxa marag ma doonto ah in Arsenal ay baahi weyn u qabto inay dib u xaliso liiashada daafaca kooxdeeda sababtoo ah in durtaba 34 gool laga soo dhaliyay kaddib 24 kulan oo ay kasoo ciyaartay Premier League.