Kooxda Aragsan Jet Ayaa Guul Ku Bilaabatay Tartanka La Farax Walaalkaa.

Kooxda Aragsan Jet Ayaa Guul Ku Bilaabatay Tartanka La Farax Walaalkaa.
Kooxda Aragsan Jet Ayaa Guul Ku Bilaabatay Tartanka La Farax Walaalkaa.

Kooxda Aragsan Jet Ayaa 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Tamaam Taxi Tartanka La Farax Walaalkaa Garoonka Dhalinta Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.


Qaybta Hore Ayaan Wax Goolal ah La Kala Dhashan Xili Ciyaartu Ku Soo Idlaatay Barbaro 0-0 ah Loona Gudbay Qaybtii Danbe Ciyaarta.


Daqiiqadii 30.aad Kooxda Tamaam Taxi Ayaa Heshay Goolka Furitaanka Waxaana u Dhaliyey Kaptanka Kooxda Tamaam Taxi Cabdikhaaliq Xuseen.


Daqiiqadii 54.aad Kooxda Aragsan Jet Ayaa Heshay Goolka Barbaraha Waxaana u Dhaliyey Khadiir Mustafe.


Daqiiqadii 59.aad Kooxda Aragsan Jet Ayaa Heshay Goolka Labaad Waxaana u Dhaliyey Cabdalle Cabo.


Si Kastaba Kooxda Aragsan Jet Ayaa 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Tamaam Taxi Xili Kulankan Galabta uu Soo Xidhay Wareegii Koowaad Ee Tartanka La Farax Walaalkaa Garoonka Dhalinta Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.


09-Jamadul Thaani-1441 Isniin By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.