Kooxda AC Milan Oo Iska Eriday Agaasimihii Ciyaaraha Ee Kooxdaasi Zvonimir Boban?

Kooxda AC Milan Oo Iska Eriday Agaasimihii Ciyaaraha Ee Kooxdaasi Zvonimir Boban?
Kooxda AC Milan Oo Iska Eriday Agaasimihii Ciyaaraha Ee Kooxdaasi Zvonimir Boban?

Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa shaqada ka eryey agaasimihii ciyaaraha Zvonimir Boban isla markaana shaqo joojin ku samaysay Agaasimihii guud Ivan Gazidis, kaddib markii ay mulkiileyaashu qaadeen tallaabo ay kooxda kaga nadiifinayaan xubnaha sare ee maamulka ee magaca weyn leh.

Boban oo sagaal bilood ka hor loo magacaabay xilka laga caydhiyey maanta, ayaa intii uu joogay qaaday tallaabooyin kooxdu kaga bixi karayso waqtiyada adag ee ay ku jirto, waxaana uu bishii October naadiga keenay tababare Stefano Poilo kaddib markii la caydhiyey Marco Giampaolo oo kaliya toddoba ciyaarood oo Serie A ah naadiga hoggaamiyey.

AC Milan oo ku jirta kaalinta 10aad ee horyaalka, waxay 12 dhibcood ka hoosaysaa naadiga kaalinta afraad ku jira, waxaanay taasi ka dhigan tahay in aanay wax rajo ah ka qabin inay ka mid noqoto naadiyada xili ciyaareedka dambe ka soo muuqan doona tartamada Yurub.

Milan oo sidoo kale shaqada ka joojisay Gazidis, waxa kale oo la filayaa inay caydhin doonto halyeygeeda Paolo Maldini, ka hor inta aanay qaadin tallaabooyinkii ay ku beddeli lahayd.

Arrintan ayaa timid maata oo Axad ah Kooxdu la Ciyaari doonto kooxd Genoa, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu war kale ka soo kordho haddii Maldini la eryin doono iyo waqtiga uu Gazidis shaqada laga joojiyey dib u bilaabi doono.