Kooxaha Olympiacos Iyo Arsenal Ayaa Wada Ciyaari Doona Lugta Koowaad Tartanka UEFA Europa League?

Kooxaha Olympiacos Iyo Arsenal Ayaa Wada Ciyaari Doona Lugta Koowaad Tartanka UEFA Europa League?
Kooxaha Olympiacos Iyo Arsenal Ayaa Wada Ciyaari Doona Lugta Koowaad Tartanka UEFA Europa League?

Kooxda Arsenal ayaa u safartay wadanka Greece si ay halkaas ugu soo ciyaarto lugta koowaad wareega 32-aad ee koobka UEFA Europa League, waxeyna la balansan yahiin kooxda Olympiacos oo qudheeda dooneysa iney tartankaan ku guuleysato.

Kooxdaan waxey ciyaareysaa fasalkaan kulankii ugu horreeyay tartankaan maadaama ay ka mid tahay kooxaha kasoo haray koobka Champions League, nasiib xumo waxey ku fashilantay iney kasoo baxdo Bayern Munich iyo Tottenham.

Arteta wuxuu isha ku hayaa inuu sii dheereysto rikoorkiisa 9-kulan ee guuldaro la’aanta ah, sidoo kale wuxuu fursad ay tartanka Champions League uga soo aadi karaan u arkaa inuu tartankaan ku guuleysto.

Lacazette oo soo afjaray abaartii dhanka goolka ka heysatay isbuucaan ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo weerarka dhexe, waxaana kursiga loo diri doonaa midkood Aubameyang iyo Nketiah.

Torreira ayaa loo badinayaa inuu badali doono Xhaka, halka Martinelli qudhiisa uu filanayo inuu ku lug yeesho ciyaarta.

Xiddiga ay Olympiacos lasoo saxiixdeen January ee Ahmed Hassan ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo kulanka.

Labadaan kooxood sideed jeer ayey horay isku arkaan, hal kulan barbaro kuma soo dhamaan, min 4-jeer ayey kala badiyeen.

Waa kulankii 9-aad oo ay Gunners wajaheyso Olympiacos, kaliya Bayern Munich ayey in ka badan wajahday dhamaan tartamada yurub (12)