Kooxaha Nagaad Iyo Hormuud Oo Barbaro Wada Galay Kulankii Saaxiibtinimada Ahaa?

Kooxaha Nagaad Iyo Hormuud Oo Barbaro Wada Galay Kulankii Saaxiibtinimada Ahaa?
Kooxaha Nagaad Iyo Hormuud Oo Barbaro Wada Galay Kulankii Saaxiibtinimada Ahaa?

Kooxaha Nagaad Iyo Hormuud Oo Barbaro 1-1 ah Wada Galay Kulan Saaxiibtinimada Ahaa Ee Ka Qabsoomay Garoonka Maxamuud Guray Stadium Xaafada Hodan Hills Degmada Axmed Macalin Haaruun Ee Magaalada Hargeysa.

Qaybta Hore Ayaan Wax Goolal ah La Kala Dhashan Xili Ay Ku Soo Idlaatay 0-0 Waxaana Kulankaasi Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Cabdilaahi Shiine Waxaana Loo Gudbay Qaybtii Danbe Ee Ciyaarta.

Kooxda Hormuud Ayaa Ku Hormartay Goolka Waxaana u Dhaliyey Cali Iid, Dhinaca Kale Kooxda Nagaad Oo Isla Qaybtii Danbe Ciyaarta Keentay Goolka Barbaraha Waxaana u Dhaliyey Aflax Yare.

Si Kastaba Kulankan Ayaa Ku Soo Idlaaday Barbaro 1-1 Ah Waxaana uu Ahaa Kulan Saaxiibtinimo Oo Labadan Kooxood Wada Ciyaareen Xili Ay Ka Mid Yihiin Kooxaha Heerka Sadexaad Ee Ciyaaraha Maxaliga ah Ka Ciyaara Magaalada Hargeysa.

Garoonka Maxamuud Guray Stadium Ayaa Ka Mida Garoomada Ciida ah Ee Ku Yaala Xaafada Hodan Hills Degmada Axmed Macalin Haaruun Ee Magaalada Hargeysa.

Halkan Ka Daawo Warka Kulankaasi Dhanka Muuqaalka Waxaana Soo Jeedinaaya Wariye Cabdirashiid Dhamac.

18-Shabcaan-1441 Sabti By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.